CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Baarlamaanka Jabuuti oo laalay xadka da’da madaxweynenimada iyo MW Geelle oo markale is sharixi kara
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dileita ayaa difaacay isbeddelka, isagoo sheegay inuu “lagama maarmaan u yahay xasilloonida dalka yar ee ku yaalla gobolka qalalaasaha badan leh ee Geeska Afrika; Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.”
Baarlamaanka Jabuuti oo laalay xadka da’da madaxweynenimada iyo MW Geelle oo markale is sharixi kara
Geelle wuxuu sannadkii 1999-kii xilka kala wareegay Xassan Guuleed Abtidoon, aasaasihii madax-bannaanida Jabuuti. / AA
27 Oktoobar 2025

Baarlamaanka Jabuuti ayaa Axadii si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la laalo xadka da’da ee musharrixiinta madaxweynenimada, taasoo waddada u fureysa Madaxweynaha Ismaaciil Cumar Geelle inuu u tartamo xilka markii lixaad.

Geelle, oo talada hayey tan iyo 1999, ayaa hoggaamiya waddan yar oo istaraatiiji ah oo martigeliya saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin Mareykanka, Faransiiska iyo Shiinaha. Dastuurka Jabuuti wuxuu hore u dhigayey in madaxweynaha aanu isu soo taagi karin xilka kadib marka uu dhaafo 75 sano, taasoo hor istaagi lahayd Geelle, oo 77 jir ah, inuu u tartamo doorashada 2026.

Balse wax ka beddelka lagu sameeyey xadkaas ayaa taageero ka helay dhammaan 65-kii mudane ee fadhiyay kulankii Axaddii, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dileita Maxamed Dileita. Madaxweynaha ayaa go’aamin kara inuu saxiixo isbeddelka ama uu u diro afti dadweyne. Haddii la ansixiyo, baarlamaanku wuxuu markale cod u qaadi doonaa 2-da Noofambar.

Geelle, oo bishii Maayo wareysi siiyay The Africa Report, ayaan diidin fursadda uu mar kale xilka u raadin karo, isagoo yiri "Waxa kaliya ee aan kuu sheegi karo waa inaan aad u jeclahay dalkayga mana doonayo inaan galo arrin khatar gelin karta midnimada dalka.”

Khabiiradda Geeska Afrika ee Jaamacadda Katooliga ee Lille, Sonia Le Gouriellec, ayaa sheegtay in natiijadan “aysan la yaab lahayn,” iyadoo sheegtay in “ay jiraan dad ku muujiyey baraha bulshada in ay ka soo horjeedaan” balse ay walaac ka muujisay in mucaaradku “aanu gudaha Jabuuti ka helin meel uu ka hadlo.”

Guddoomiyaha Ururka Xuquuqda Aadanaha ee Jabuuti (LDDH), Cumar Cali Ewaado, ayaa ku baaqay “is-beddel dimuqraadi ah oo nabadeed,” isagoo ku tilmaamay wax ka beddelka dastuurka “tallaabo lagu diyaarinayo madaxweyne weligiis xilka aan ka degin.”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dileita ayaa difaacay isbeddelka, isagoo sheegay inuu “lagama maarmaan u yahay xasilloonida dalka yar ee ku yaalla gobolka qalalaasaha badan leh ee Geeska Afrika; Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.”

Wuxuu intaas ku daray in “in ka badan 80% shacabka ay taageersan yihiin.”

Abriil 2021, Geelle ayaa markale dib loo doortay isagoo helay in ka badan 97% codadka, halka isbahaysiga uu hoggaamiyana, Ururka Isbahaysiga Madaxweynenimada, ayaa haystaan kuraasta ugu badan ee baarlamaanka.

Geelle wuxuu sannadkii 1999-kii xilka kala wareegay Xassan Guuleed Abtidoon, aasaasihii madax-bannaanida Jabuuti, kadib markii uu 22 sano u ahaa madaxa xafiiskiisa.

Inkasta oo Jabuuti ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu dadka yar Afrika, iyadoo ah qiyaastii hal milyan oo qof, haddana waxay door istaraatiiji ah ku leedahay gobolka, maadaama ay ku taallo marin muhiim ah oo uu maro ganacsiga u dhexeeya Aasiya iyo Galbeedka, Bab el-Mandeb, halkaas oo uu maro qeyb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah.

XIGASHO:AFP
Raadi Warar Kale