Kulanka heerka sare ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa Axaddii lagu qabtay Hotel Decale ee caasimadda Muqdisho, iyadoo hal-ku-dheggiisu ahaa “Iskaashi iyo Isu-gargaar — Xoojinta Wada-shaqeynta Shiinaha iyo Soomaaliya.”
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Shiinaha ayaa isu keenay masuuliyiin sare iyo aqoonyahanno si ay uga wada hadlaan fursadaha cusub ee iskaashiga labada dal.
Ku-simaha Safiirka Shiinaha, Chen Wendi, ayaa sheegay in kulanka uu ahaa “mid guul ah oo macno leh,” isla markaana xoojiyay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee labada waddan.
Doodaha ayaa diiradda saaray saddex qodob: ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed, ballaarinta iskaashiga horumarineed ee Shiinaha, iyo dhiirrigelinta ganacsiga iyo dhoofinta Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo nidaamka cashuur-dhaafka ah ee Shiinaha.
Wasiiru-dowlaha Xuquuqda Qoyska, Maxamed Cismaan Cumar, iyo Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka, Maxamed Xasan Maxamed, ayaa labaduba ku adkeeyay muhiimadda iskaashi wax-ku-ool ah oo natiijo keena.
Kulanka oo ku soo beegmay sannad-guuradii 64-aad ee xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, ayaa lagu ballanqaaday in la sii xoojiyo iskaashiga dhaqaale, bulsho iyo dhaqameed si loo dhiso mustaqbal nabadeed iyo horumar wadajir ah.




















