CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti
Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo Wasiirka Awqaafta ee Jabuuti soo dhoweyntii diirranayd ee walaaltinimo ahayd ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa la kulmay MW Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. / Others
15 saacadood ka hor

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Jabuuti toddobaadkan, ayaa booqday Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka oo uu wehlinayey dhiggiisa Jabuuti, Mumin Xasan Barre, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha taageeradiisa joogtada ah iyo kaalinta uu mar walba ka qaato garab istaagga Soomaaliya.

Wasiir Roobow ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Geelle “Badbaadiyaha Soomaaliya” kaddib burburkii dowladdii dhexe 1991, isaga oo xusay doorkii uu ka qaatay martigelinta Shirka Nabadda ee Carta sannadkii 2000, kaas oo horseeday dib u soo celinta Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo Wasiirka Awqaafta ee Jabuuti soo dhoweyntii diirranayd ee walaaltinimo ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa.

Ugu dambeyn, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya ay qorsheyneyso in dalka lagu hirgeliyo mashaariicda iyo casharrada laga bartay Jabuuti, oo ay ka mid yihiin dhismaha awqaafta, diiwaangelinta zakada, iyo aasaasidda machad diimeedyo dhexdhexaadnimo ku dhisan oo faafiya dhaqanka nabadda, sida Machadka Al-Wasatiya ee Jabuuti.

Raadi Warar Kale
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo la kulmay Safiirka Turkiga iyo shirkadda Favori
Wasiirka Gaadiidka: Diyaaradda Qaranka Soomaaliya oo dib u bilaabeysa duulimaadkeeda dhammaadka 2025
MW Xasan Sheekh oo kormeeray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kuna baaqay casriyeynta adeegyada
Soomaaliya iyo Shiinaha oo yeeshay kulan heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labo geesoodka ah
MW Paul Biya oo 92 jir ah ayaa markale ku guuleystay doorashada dalka Cameroon
Baarlamaanka Jabuuti oo laalay xadka da’da madaxweynenimada iyo MW Geelle oo markale is sharixi kara
Turkiga oo qalab casri ah ku taageeray warbaahinta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo awooddeeda
Israa’iil oo oggolaatay in Laanqeyrta Cas gasho Qaza si ay u raadiyaan meydadkii la haystayaasha
21 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadantinimo gudaha DRC: Oxfam France
15 Dal oo Turkigu ku jiro oo si adag u cambaareeyay ansixinta Israa’iil ee sharciyada Daanta Galbeed
Shirkii Hoggaanka Ciidamada Dhulka ee Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Kigali
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay kalasaaridda degmooyinka Muqdisho iyo sharciyo qaran oo muhiim ah
Aqoon-is-weydaarsi Diimeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti
Erdogan oo soo afmeeray safarkiisa khaliijka ee uu ku tagay Kuwayt, Qadar iyo Cumaan
Erdogan iyo Suldaanka Cumaan oo kulan ku yeeshay Masqad iyagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah
Fadhigii taariikhiga ahaa ee Maxkamadda Qaza oo isu diyaarinaya xukunka kama dambeysta ah: Istanbul