CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
21 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadantinimo gudaha DRC: Oxfam France
In ka badan 1.6 milyan oo qof ayaa barakacay sannadkan, taas oo tirada guud ee dadka gudaha ku barakacay gaarsiisay 5.2 milyan, tiradaas oo ah tan labaad ee ugu badan caalamka kadib Suudaan.
21 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadantinimo gudaha DRC: Oxfam France
In ka badan 1.6 milyan oo qof ayaa barakacay sannadkan, taas oo tirada guud ee dadka gudaha ku barakacay gaarsiisay 5.2 milyan / AFP
24 Oktoobar 2025

Hay’adda Oxfam France ayaa sheegtay in in ka badan 21 milyan oo qof oo ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) ay u baahan yihiin gargaar bani’aadantinimo, taas oo ka dhigan ku dhowaad shantii qofba hal qof.

Oxfam waxay sheegtay in dalkaasi uu wajahayo “mid ka mid ah musiibooyinka bani’aadantinimo ee ugu halista badan uguna la illoobay caalamka,” isla markaana xaaladdu ay sii xumaanayso.

Crisis-ka ugu daran ayaa ka jira bariga dalka, oo ah meel hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah balse dagaallo sokeeye ay halakeeyeen muddo soddon sano ah. Colaadda ayaa sii xoogeysatay horraantii sanadkan markii kooxda hubeysan ee M23, oo ay taageerto dalka deriska ah ee Rwanda, ay si degdeg ah u qabsatay magaalooyinka waaweyn ee Goma iyo Bukavu.

In ka badan 1.6 milyan oo qof ayaa barakacay sannadkan, taas oo tirada guud ee dadka gudaha ku barakacay gaarsiisay 5.2 milyan, tiradaas oo ah tan labaad ee ugu badan caalamka kadib Suudaan.

Cunto yari daran ayaa ka jirta dalka, iyadoo 28 milyan oo qof ay la ildaran yihiin gaajo, halka adeegyada caafimaadka ay daalayaan iyo kaabayaasha oo burburay. Oxfam ayaa sidoo kale sheegtay in kufsiga haweenka uu gaaray heer argagax leh, iyadoo “hal haweeney la kufsado afartii daqiiqo mar.”

Inkasta oo xaaladdu degdeg tahay, haddana gargaarka caalamiga ah ayaa hoos u dhacay, iyadoo Oxfam ay sheegtay in hal sano gudihiis maalgelinta gargaarka muhiimka ah ay hoos u dhacday laba meelood meel.

Hay’addu waxay ugu baaqday shir caalami ah oo lagu qabanayo Faransiiska 30-ka Oktoobar, kaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Harooyinka Waaweyn ee Afrika, inuu “ka gudbo hadal iyo ballan-qaad keliya” oo uu keeno tallaabooyin wax ku ool ah.

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu taageero dadaallada Qadar iyo Mareykanka ee lagu dhexdhexaadinayo dowladda DRC iyo kooxda M23. Oxfam waxay xustay in 70% gargaarka DRC uu sanadkii hore ka yimid Mareykanka, halka Faransiiska uu bixiyay kaliya 0.5% baahiyaha bani’aadantinimo ee dalkaas.

XIGASHO:AFP
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Shiinaha oo yeeshay kulan heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labo geesoodka ah
MW Paul Biya oo 92 jir ah ayaa markale ku guuleystay doorashada dalka Cameroon
Baarlamaanka Jabuuti oo laalay xadka da’da madaxweynenimada iyo MW Geelle oo markale is sharixi kara
Turkiga oo qalab casri ah ku taageeray warbaahinta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo awooddeeda
Israa’iil oo oggolaatay in Laanqeyrta Cas gasho Qaza si ay u raadiyaan meydadkii la haystayaasha
15 Dal oo Turkigu ku jiro oo si adag u cambaareeyay ansixinta Israa’iil ee sharciyada Daanta Galbeed
Shirkii Hoggaanka Ciidamada Dhulka ee Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Kigali
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay kalasaaridda degmooyinka Muqdisho iyo sharciyo qaran oo muhiim ah
Aqoon-is-weydaarsi Diimeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti
Erdogan oo soo afmeeray safarkiisa khaliijka ee uu ku tagay Kuwayt, Qadar iyo Cumaan
Erdogan iyo Suldaanka Cumaan oo kulan ku yeeshay Masqad iyagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah
Fadhigii taariikhiga ahaa ee Maxkamadda Qaza oo isu diyaarinaya xukunka kama dambeysta ah: Istanbul
Madaxa Bangiga Horumarinta Soomaaliya: Joojinta USAID waxay si weyn u saamaysay dhaqaalaha dalka
Xadka Turkiga oo la filayo in dhawaan la furo kadib wadahadallo natiijo wanaagsan keenaya: Armeeniya
Taliyaha Booliska Soomaaliya oo kulan amni iyo iskaashi la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq
Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gaadiidka iyo duulista hawada