Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan heer sare ah xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.
Safiirka ayaa waxaa wehelinayay masuuliyiin sare oo ka socday shirkadda Favori, oo ah shirkad fadhigeedu yahay Turkiga kana shaqeysa maamulka iyo howlaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.
Intii uu kulanku socday, madaxa shirkadda Favori ayaa si faahfaahsan ugu soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha qorshayaasha istiraatiijiga ah ee shirkaddu u dejisay horumarinta iyo casriyeynta garoonka, isagoo tilmaamay in la qorsheeyay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo adeegyo iyo qaybo kala duwan oo garoonka ah, si kor loogu qaado tayada adeegyada iyo waayo-aragnimada rakaabka, una waafaqaan heerarka caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyay shirkadda Favori dadaalkooda iyo maalgashigooda lagu horumarinayo garoonka Aadan Cadde, isagoo ku tilmaamay garoonka albaabka ugu muhiimsan ee Soomaaliya iyo wajiga koowaad ee ay soo arkaan dadka caalamka ka yimaada.
Wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso in garoonka laga dhigo xarun casri ah oo leh adeegyo heer sare ah oo ka tarjumaya horumarka iyo himilooyinka qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xoojiyay xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageeradooda joogtada ah ee dhinacyada kala duwan ee dib-u-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.




















