Aqoon-is-weydaarsi shan maalmood socday oo u dhexeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Diinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Khamiistii lagu soo gabagabeeyay magaalada Jabuuti.
Ujeeddada ugu weyn ee kulankan ayaa ahayd xoojinta iskaashiga labada wasaaradood iyo is-weydaarsiga khibradaha ku saabsan maamulka awqaafta iyo ururinta zakada.
Maalintii ugu dambeysay, wafdiga Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa booqday goobaha muhiimka ah ee magaalada Jabuuti, iyadoo uu wehelinayay dhiggiisa Jabuuti, Amb. Mumin Xasan Barre.
Labada wasiir ayaa booqday Machadka Al Wasatiya oo ka shaqeeya faafinta dhaqanka nabadda, halkaas oo waxbarasho xoog leh ka socoto. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadara), ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti soo dhoweynta diirran, isagoo tilmaamay in Machadka Al Wasatiya uu yahay xarun muhiim ah oo goboleed oo u heellan xoojinta nabadda oo muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya oo weli wajahaysa halista fikradaha xagjirka ah.


















