Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii booqasho kormeer ah ku tegay xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda si uu u kormeero horumarka iyo dadaallada casriyeynta ee hay’addu waddo.
Intii uu kormeerku socday, Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Mustafe Sheekh Cali Dhuuxulow, kuwaas oo uga warbixiyay qorshayaasha casriyeynta adeegyada socdaalka, baahinta adeegyada dalka oo dhan, iyo horumarrada guud ee shaqada hay’adda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay muhiimadda weyn ee ay hay’addu u leedahay amniga dalka, isagoo ku adkeeyay in si adag loo dhaqan geliyo dhammaan shuruucda khuseeya, laguna saleeyo adeegyada hufnaan iyo daahfurnaan. Wuxuu carabka ku adkeeyay in la dardar-geliyo la-dagaallanka tahriibka, argagixisada iyo socdaalka sharci-darrada ah, islamarkaana la adkeeyo amniga baraha dalka laga soo galo.
“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay laf-dhabar u tahay amniga dalka iyo ilaalinta xuduudaha,” ayuu yiri Madaxweynaha. “Waxaana taas ku xirnaan doonta sida aad ugu adeegtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo sida aad u hubisaan xogta dadka soo galaya dalka.”
Madaxweynaha ayaa ammaanay hay’adda dadaalladeeda lagu hirgeliyay nidaamka casriga ah ee e-Visa, kaas oo fududeeyay habraaca oggolaanshaha soogelidda dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay adeegsiga nidaamka cusub ee PISCES, oo ah qalab casri ah oo lagu maamulo xuduudaha, kaas oo adeegsada xogta biometriga sida faraha iyo aqoonsiga wajiyada, si loo xoojiyo amniga qaranka loona sugo aqoonsiga dadka soo galaya dalka.




















