CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
MW Paul Biya oo 92 jir ah ayaa markale ku guuleystay doorashada dalka Cameroon
Madaxweynaha ugu da'da weyn adduunka Paul Biya ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii 12-kii Oktoobar, taasoo u xaqiijisay inuu xilka sii hayn karo ilaa uu ka gaaro 100 sano.
MW Paul Biya oo 92 jir ah ayaa markale ku guuleystay doorashada dalka Cameroon
Golaha Dastuurka ee Cameroon ayaa ku dhawaaqay in Paul Biya uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dhacday 12-kii Oktoobar. / Others
27 Oktoobar 2025

Madaxweynaha Cameroon, Paul Biya, ayaa mar kale dib loogu doortay xilka madaxweynenimo muddo siddeedaad ah, taas oo u oggolaanaysa inuu xafiiska sii joogo ilaa uu ku dhawaado da'da 100 sano jir, sida lagu sheegay natiijooyinka rasmiga ah ee Isniintii lagu dhawaaqay oo uu shaacisay Golaha Dastuuriga.

"Halkaan waxaa lagu dhawaaqayaa Madaxweynaha la doortay: musharraxa Biya Paul," ayuu yiri Clement Atangana, oo ah guddoomiyaha Golaha Dastuuriga.

Sida uu sheegay Golaha, Biya oo 92 jir ah isla markaana xilka hayay muddo 43 sano ah, ayaa helay 53.66% codadka, isagoo ka adkaaday musharraxiisa ugu weyn ee Issa Tchiroma Bakary, oo horey u soo noqday wasiir, kaas oo kaalinta labaad galay isagoo helay 39.19% codadka.

Si kastaba ha ahaatee, Tchiroma ayaa ku adkeysanaya inuu isagu ku guuleystay doorashadii dhacday 12-kii Oktoobar. Taageerayaashiisa ayaa ka jawaabay baaqiisa dibadbax, iyagoo Axaddii isugu soo baxay magaalada ugu weyn dalka ee Doula, taas oo keentay isku dhac dhexmaray iyaga iyo ciidamada ammaanka, halkaas oo ugu yaraan afar qof oo rayid ah ay ku dhinteen.

Biya, oo 92 jir ah, ayaa xilka qabtay sanadkii 1982, tan iyo markaasna wuxuu si adag ugu sii haystay awoodda, isagoo sanadkii 2008 meesha ka saaray xaddidaadda muddada xilka madaxweynaha, isla markaana marar badan dib loogu doortay codad badan oo uu ku guuleystay.

XIGASHO:TRT Afrika
Raadi Warar Kale
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo la kulmay Safiirka Turkiga iyo shirkadda Favori
Wasiirka Gaadiidka: Diyaaradda Qaranka Soomaaliya oo dib u bilaabeysa duulimaadkeeda dhammaadka 2025
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti
MW Xasan Sheekh oo kormeeray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kuna baaqay casriyeynta adeegyada
Soomaaliya iyo Shiinaha oo yeeshay kulan heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labo geesoodka ah
Baarlamaanka Jabuuti oo laalay xadka da’da madaxweynenimada iyo MW Geelle oo markale is sharixi kara
Turkiga oo qalab casri ah ku taageeray warbaahinta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo awooddeeda
Israa’iil oo oggolaatay in Laanqeyrta Cas gasho Qaza si ay u raadiyaan meydadkii la haystayaasha
21 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadantinimo gudaha DRC: Oxfam France
15 Dal oo Turkigu ku jiro oo si adag u cambaareeyay ansixinta Israa’iil ee sharciyada Daanta Galbeed
Shirkii Hoggaanka Ciidamada Dhulka ee Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Kigali
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay kalasaaridda degmooyinka Muqdisho iyo sharciyo qaran oo muhiim ah
Aqoon-is-weydaarsi Diimeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti
Erdogan oo soo afmeeray safarkiisa khaliijka ee uu ku tagay Kuwayt, Qadar iyo Cumaan
Erdogan iyo Suldaanka Cumaan oo kulan ku yeeshay Masqad iyagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah
Fadhigii taariikhiga ahaa ee Maxkamadda Qaza oo isu diyaarinaya xukunka kama dambeysta ah: Istanbul