CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaadiidka: Diyaaradda Qaranka Soomaaliya oo dib u bilaabeysa duulimaadkeeda dhammaadka 2025
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay tallaabooyin muuqda ka qaaday dib u soo celinta howlgelinta diyaaradda, isagoo xusay sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta nidaamka duulista iyo ilaalinta sharciga.
Wasiirka Gaadiidka: Diyaaradda Qaranka Soomaaliya oo dib u bilaabeysa duulimaadkeeda dhammaadka 2025
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuur / OPM Somalia
14 saacadood ka hor

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuur, ayaa ku dhawaaqay in Somali Airlines ay dib u bilaabi doonto duulimaadyadeeda dhammaadka sannadka 2025, taasoo calaamad u ah soo noolaynta shirkadda qaranka oo hakad gashay muddo ka badan soddon sano.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay tallaabooyin muuqda ka qaaday dib u soo celinta howlgelinta diyaaradda, isagoo xusay sida ay dowladda uga go’an tahay xoojinta nidaamka duulista iyo ilaalinta sharciga.

Wasiir Nuux, ayaa bishii Luulyo ee sannadkan shaaciyey in Dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay laba diyaaradood oo nooca Airbus A320 ah, iyadoo dib u soo noolaynaysa shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines.

Somali Airlines, oo la aasaasay 1964-kii, ayaa hore u samayn jirtay duulimaadyo gudaha ah iyo kuwo caalami ah, balse shaqadeeda ayaa istaagtay 1991-kii sababo la xiriira dagaalkii sokeeye. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku howlan qorshe lagu soo celinayo diyaaradda qaranka iyo sumcadda taariikhiga ah ee ay lahayd.

Raadi Warar Kale