Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac. Kulanka ayaa lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah iyo go’aan maamul oo khuseeya caasimadda dalka.
Goluhu wuxuu ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku saabsan kalasaaridda rasmiga ah ee degmooyinka gobolka Banaadir, taas oo la jaanqaadaysa sharciga doorashooyinka ee qeexaya nidaamka darajada maamulka ee degmooyinka caasimadda.
Degmooyinka Muqdisho ayaa si rasmi ah loogu kala saaray laba heer:
Heerka (A): Hodan, Yaaqshiid, Deyniile, Kaaraan, Dharkeenley, Wadajir, Warta-Nabadda, Heliwaa, iyo Howlwadaag.
Heerka (B): Waaberi, Shibis, Xamar-Jajab, Boondheere, Xamar-Weyne, Cabdicasiis, iyo Shangaani.
Intii uu kulanku socday, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod, iyagoo golaha uga warbixiyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Banaadir. Guddigu wuxuu xaqiijiyay in doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Muqdisho la qaban doono 30-ka Noofambar.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay afar sharci iyo heshiisyo qaran oo muhiim ah oo kala ah:
1) Dastuurka Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istaraatiijiyadda.
2) Hindise-sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
3) Heshiiska Caalamiga ah ee Ilaalinta iyo Ka Faa’iidaysiga Biyaha Xuduudaha iyo Harooyinka (Water Convention).
4) Dastuurka shirkadaha kalluumeysiga qaranka ee la dhisayo.


















