Ururka Horumarinta Dowladaha Geeska Afrika (IGAD) ayaa magaalada Nairobi ku qabanaya shirkiisii 3-aad ee heer wasiir ee ku saabsan Shaqada, Shaqo-abuurka iyo Socdaalka Shaqaalaha, kaas oo soconaya 20–22 Oktoobar 2025.
Shirka sannadkan ayaa cinwaankiisu yahay “Kobcinta Maareynta Socdaalka iyo Dhaqdhaqaaqa Shaqaalaha si Horumar Wadajir ah looga gaaro Gobolka IGAD.”
Shirka waxaa ka qeybgalaya wasiirro iyo khubaro ka kala socda siddeedda dal ee IGAD — Jabuuti, Ereteriya, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan, iyo Ugaanda. Inkastoo gobolka uu koboc dhaqaale yeeshay, shaqo la’aanta ayaa korodhay 14.3% ilaa 15.9% intii u dhaxeysay 2012–2022, halka dadka ka haajirayana ay labanlaabmeen.
Ujeeddada shirka ayaa ah in lagu qiimeeyo horumarka Bayaanka Jabuuti iyo in la xoojiyo maareynta socdaalka shaqaalaha, iyadoo diiradda la saarayo marinka socdaalka Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe. Waxaa sidoo kale laga hadlayaa khataraha shaqaalaha tahriibka ah iyo socdaalka halista ah ee Badda Cas, oo sababay in ka badan 3,400 dhimasho tobankii sano ee la soo dhaafay.
22-ka Oktoobar, wasiirradu waxay ansixin doonaan talooyinka khubarada iyo daahfurka wejiga labaad ee mashruuca “Dhaqdhaqaaqa Xorta ah ee Dadka iyo Xoolaha ee Gobolka IGAD”, oo uu Midowga Yurub ku bixiyay 15 milyan oo Yuuro. Shirkan ayaa xoojinaya dadaalka IGAD ee ku aaddan difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo horumarinta isku-xirnaanta gobolka.
















