Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, oo booqasho shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay magaalada Riyaad dhiggiisa Sucuudiga, Saleh bin Nasser Al-Jasser.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka iyo duulista hawada, iyadoo la isla falanqeeyay in la bilaabo duulimaadyo toos ah oo joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya.
Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa ku tilmaamay kulanka mid muhiim ah oo door weyn ka ciyaari doona dhismaha xiriir iskaashi oo faa’iido u leh labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Si loo sii hormariyo iskaashigaas, labada wasiir waxay ku heshiiyeen in la sameeyo Guddi Farsamo ee adajir ah, kaas oo qaabilsan hirgelinta heshiisyada iyo qorshayaasha lagu xoojinayo xiriirka dhinacyada duulista iyo gaadiidka dadweynaha.
Booqashada wasiirka iyo wafdigiisa ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu doonayo in lagu xoojiyo isku xirnaanta, ganacsiga, iyo is-weydaarsiga adeegyada ee Soomaaliya iyo saaxiibbada gobolka.



















