CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Hoggaamiyaha Mali oo xilka ka qaaday taliyayaasha ciidanka iyadoo xaaladda amnigu ay sii xumaanayso
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee dalka Mali, Assimi Goita, ayaa beddelay ku-xigeenka taliyaha guud ee ciidamada, madaxa amniga milatariga, iyo taliyaha ciidanka dhulka.
Hoggaamiyaha Mali oo xilka ka qaaday taliyayaasha ciidanka iyadoo xaaladda amnigu ay sii xumaanayso
Assimi Goita ayaa xukunka la wareegay 7-dii Juun 2021. / Other
23 Oktoobar 2025

Hoggaamiyaha milatariga Mali ayaa xil ka qaadis ku sameeyey saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida, sida lagu sheegay warbixin Arbacadii kasoo baxday kulanka golaha wasiirrada.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee dalka, Assimi Goita, ayaa beddelay ku-xigeenka taliyaha guud ee ciidamada, madaxa amniga milatariga, iyo taliyaha ciidamada dhulka, sida lagu sheegay bayaanka.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo werisay in saddexdan sarkaal shaqada looga eryay "natiijooyin liita" oo ay ka soo hoyiyeen dagaallada, iyadoo soo xiganaysa sarkaal sare.

Tan iyo 2012, Mali waxa ay ku jirtay xaalad amni oo cakiran oo ay hurinayaan rabshadaha kooxaha argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish.

Goita waxa uu xukunka la wareegay kadib afgambi militari oo dhacay 2020 iyo 2021, isagoo ballanqaaday inuu hagaajin doono amniga.

Kooxaha argagixisada ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa dhawaan u muuqday inay isku dayayaan inay go'doomiyaan caasimadda Bamako, iyagoo kordhiyay weerarrada waddooyinka ku hareeraysan magaalada.

Tan iyo bishii Sebtembar, kooxahani waxay xannibeen soo dejinta shidaalka ka imanaya waddamada deriska ah, taasoo carqalad ku noqotay nolol maalmeedka dalka aan xeebta lahayn.

XIGASHO:AFP
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Shiinaha oo yeeshay kulan heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labo geesoodka ah
MW Paul Biya oo 92 jir ah ayaa markale ku guuleystay doorashada dalka Cameroon
Baarlamaanka Jabuuti oo laalay xadka da’da madaxweynenimada iyo MW Geelle oo markale is sharixi kara
Turkiga oo qalab casri ah ku taageeray warbaahinta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo awooddeeda
Israa’iil oo oggolaatay in Laanqeyrta Cas gasho Qaza si ay u raadiyaan meydadkii la haystayaasha
21 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadantinimo gudaha DRC: Oxfam France
15 Dal oo Turkigu ku jiro oo si adag u cambaareeyay ansixinta Israa’iil ee sharciyada Daanta Galbeed
Shirkii Hoggaanka Ciidamada Dhulka ee Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Kigali
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay kalasaaridda degmooyinka Muqdisho iyo sharciyo qaran oo muhiim ah
Aqoon-is-weydaarsi Diimeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti
Erdogan oo soo afmeeray safarkiisa khaliijka ee uu ku tagay Kuwayt, Qadar iyo Cumaan
Erdogan iyo Suldaanka Cumaan oo kulan ku yeeshay Masqad iyagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah
Fadhigii taariikhiga ahaa ee Maxkamadda Qaza oo isu diyaarinaya xukunka kama dambeysta ah: Istanbul
Madaxa Bangiga Horumarinta Soomaaliya: Joojinta USAID waxay si weyn u saamaysay dhaqaalaha dalka
Xadka Turkiga oo la filayo in dhawaan la furo kadib wadahadallo natiijo wanaagsan keenaya: Armeeniya
Taliyaha Booliska Soomaaliya oo kulan amni iyo iskaashi la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq