Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in guud ahaan 1,070 qof ay ka carareen magaalada El-Fasher ee caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur, galbeedka Suudaan, labadii maalmood ee ugu dambeysay sababo la xiriira xaaladda amni ee sii xumaaneysa.
War-saxaafadeed ay soo saartay hay’addu Talaadadii ayay ku sheegtay in kooxaha IOM ee ku sugan goobta ay qiyaaseen in dadkaasi ay barakaceen Axadii iyo Isniintii, kadib markii xaaladda amni ee magaalada ay noqotay mid halis ah.
IOM ayaa intaas ku dartay in dadka barakacay ay ku kala firdheen dhowr goobood oo ku yaalla gobolka, iyadoo xaaladda amni ee halkaas ay weli tahay mid aad u kacsan oo aan la saadaalin karin.
Isniintii hore, hay’addu waxay sheegtay in 1,510 qof ay horey uga barakaceen El-Fasher intii u dhaxeysay 15-kii iyo 19-kii Oktoobar, sababo la xiriira dagaal iyo qalalaase sii kordhaya.
Ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ayaa magaalada El-Fasher ku hareeraysnaa tan iyo 10-kii Maayo 2024, halka ciidamada dowladda Suudaan ay isku dayayaan inay jebiyaan go’doominta magaalada oo ah xarunta howlaha bani’aadantinimo ee shanta gobol ee Darfur.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF oo billowday Abriil 2023 ayaa ilaa hadda sababay dhimashada in ka badan 20,000 qof iyo barakicinta 14 milyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxalliga ah. Balse daraasado jaamacado Maraykan ah ay sameeyeen ayaa qiyaasaya in tirada dhimashada ay gaartay ilaa 130,000 qof.

















