23 Oktoobar 2025
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Cabdil-Amiir Al-Shammari, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga dalkaas.
Kulanka gaar ah oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa lagu falanqeeyay sidii xoojinta iskaashiga amniga, kor u qaadidda xiriirka labada dal, iyo is-weydaarsiga khibradaha dhinaca booliska si loo hormariyo wada-shaqeynta amni ee labada dhinac.
Taliye Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay dowladda Ciraaq soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isagoo sheegay in wadashaqeynta sii xoogeyneysa ay muujinayso sida labada dal uga go’an tahay hirgelinta heshiisyadii amni ee horey loo gaaray.



















