CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ciidamada NISA oo dilay toddobo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah howlgal qorshaysan oo ka dhacay Hiiraan
“Howlgalka si guul leh ayuu u soo dhammaaday, waxaana NISA ka go’an inay sii waddo burburinta shabakadaha khatarta ku haya qaranka,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ciidamada NISA oo dilay toddobo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah howlgal qorshaysan oo ka dhacay Hiiraan
Ciidamada NISA oo dilay toddobo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah howlgal qorshaysan oo ka dhacay Hiiraan / TRT SOMALI
22 Oktoobar 2025

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), ayaa habeenkii Isniinta fulisay howlgal amni oo qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Kuukaayle ee hoos taga degmada Maxaas, gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay NISA, toddobo ka tirsan kooxdan ayaa lagu dilay, halka gaadiid dagaal iyo hoy ay ku jireenna la burburiyay.

Bayaanka ayaa sheegay in howlgalka uu ku dhacay saddex marxaladood: marxaladda hore ciidamada amnigu waxay duqeeyeen teendho ay ku jireen saddex dagaalyahan oo la dilay; daqiiqado kadibna duqeyn kale ayaa lagu dilay afar kale. Marxaladdii ugu dambeysay ayaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo kooxda u diyaarsanaa weerarro cusub.

NISA ayaa sheegtay in howlgalka lagu bilaabay xog sirdoon oo la xaqiijiyay taasoo muujisay dhaqdhaqaaqyo ay kooxda ku lahayd deegaanka Kuukaayle. Hay’addu waxay ku guuleysatay inay fashiliso qorshayaal kooxda u dhignayd weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada amniga.

Hay’addu waxay mar kale ku celisay go’aankeeda adag ee ah inay sii waddo bartilmaameedka Al-Shabaab (Khawaarij) meel kasta oo ay joogaan, iyadoo ka go’an ilaalinta shacabka Soomaaliyeed.

“Howlgalka si guul leh ayuu u soo dhammaaday, waxaana NISA ka go’an inay sii waddo burburinta shabakadaha khatarta ku haya qaranka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Shiinaha oo yeeshay kulan heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labo geesoodka ah
MW Paul Biya oo 92 jir ah ayaa markale ku guuleystay doorashada dalka Cameroon
Baarlamaanka Jabuuti oo laalay xadka da’da madaxweynenimada iyo MW Geelle oo markale is sharixi kara
Turkiga oo qalab casri ah ku taageeray warbaahinta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo awooddeeda
Israa’iil oo oggolaatay in Laanqeyrta Cas gasho Qaza si ay u raadiyaan meydadkii la haystayaasha
21 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadantinimo gudaha DRC: Oxfam France
15 Dal oo Turkigu ku jiro oo si adag u cambaareeyay ansixinta Israa’iil ee sharciyada Daanta Galbeed
Shirkii Hoggaanka Ciidamada Dhulka ee Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Kigali
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay kalasaaridda degmooyinka Muqdisho iyo sharciyo qaran oo muhiim ah
Aqoon-is-weydaarsi Diimeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti
Erdogan oo soo afmeeray safarkiisa khaliijka ee uu ku tagay Kuwayt, Qadar iyo Cumaan
Erdogan iyo Suldaanka Cumaan oo kulan ku yeeshay Masqad iyagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah
Fadhigii taariikhiga ahaa ee Maxkamadda Qaza oo isu diyaarinaya xukunka kama dambeysta ah: Istanbul
Madaxa Bangiga Horumarinta Soomaaliya: Joojinta USAID waxay si weyn u saamaysay dhaqaalaha dalka
Xadka Turkiga oo la filayo in dhawaan la furo kadib wadahadallo natiijo wanaagsan keenaya: Armeeniya
Taliyaha Booliska Soomaaliya oo kulan amni iyo iskaashi la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq