Madaxa Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Hodan Cismaan, ayaa sheegtay in xiritaanka Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) horraantii sannadkan ay si adag u saamaysay dhaqaalaha iyo dakhliga cashuuraha ee Soomaaliya.
“Xiritaanka USAID waxay dhab ahaantii saameyn weyn ku yeelatay GDP-ga Soomaaliya,” ayay tiri Hodan Cismaan oo ka hadleysay Shirka Financial Times Africa Summit oo Talaadadii ka dhacay magaalada London.
Waxay sheegtay in jarista deeqaha Mareykanka ay si lama filaan ah u wiiqday dhaqdhaqaaqa ganacsi, isla markaana ay hoos u dhigtay dakhliga dowladda ee ka yimaada canshuuraha ganacsiga.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sannadkan go’aansaday inuu dhimo miisaaniyadda gargaarka dibadda, isla markaana uu xiro USAID oo ah hay’ad taageeri jirtay caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta dalal badan oo caalamka ah.
Dhanka kale, Hodan Cismaan ayaa xustay in Soomaaliya ay wajahday dhibaato dhaqaale oo ka ballaaran intii la filayay. “Saameyntu ma ahayn oo keliya dhinaca gargaarka, balse waxay si toos ah u taabatay dhaqaalaha guud,” ayay tiri.


















