CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Garoonka diyaaradaha Khartoum oo weerarro drones ah lala beegsaday maalintii saddexaad: Suudaan
Garoonka diyaaradaha Khartoum ee dalka Suudaan ayaa mar kale bartilmaameed u noqday diyaarado aan duuliye lahayn oo ay leedahay RSF, balse ilo amniga ah ayaa xaqiijiyay inaan waxyeello weyn soo gaarin garoonka.
Garoonka diyaaradaha Khartoum oo weerarro drones ah lala beegsaday maalintii saddexaad: Suudaan
Weeraradan loo adeegsaday droneska ayaa argagax ku abuuray dadweynaha Khartuum. / AP
23 Oktoobar 2025

Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ayaa Khamiistii fuliyay weeraro cusub oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Khartoum, taasoo ah maalintii saddexaad oo weeraro xiriir ah lala beegsado.

Wararka ayaa sheegaya in toddobo diyaaradood oo aan duuliye lahayn ay ku dhaceen garoonka iyo xaafadaha koonfureed ee ku dhow, taasoo cabsi gelisay dadka deegaanka, sida ay qortay Sudan News oo soo xiganeysa goobjoogayaal.

Dhawaaqyada qaraxyada ayaa laga maqlay garoonka, sida ay sheegtay warbaahinta.

RSF ayaa Talaadadii bilowday weerarada garoonka iyo bartilmaameedyada kale ee muhiimka ah ee gobolka Khartoum, maalin ka hor inta uusan garoonku dib u furmin kadib in ka badan laba sano oo uu xirnaa.

Garoonka ayaa Arbacadii qaabilay duulimaadkii ugu horreeyay ee rakaab rayid ah.

Ma jirin waxyeello weyn oo ka soo gaartay garoonka weerarada RSF kadib, sida ay ilo-wareedyo amni u sheegeen Rakoba News.

Sida uu qoray wargeyska, weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarumaha ugu muhiimsan dalka waxay muujinayaan "isku beddelka nooca dagaalka" u dhexeeya ciidamada RSF iyo kuwa milatariga Sudan, iyadoo laga guurayo dagaalada dhulka una wareegayo isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si loo adeegsado cadaadis milatari iyo mid siyaasadeed.

Ma jirin wax war ah oo degdeg ah oo ka soo baxay kooxda fallaagada ee ku saabsan warbixinnada.

Ciidamada milatariga iyo RSF ayaa dagaal dhexmarayey tan iyo bishii Abriil 2023, kaasoo sababay dhimashada in ka badan 20,000 oo qof iyo barakaca 14 milyan oo kale, sida ay sheegayaan Qaramada Midoobay iyo mas'uuliyiinta maxalliga ah.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Shiinaha oo yeeshay kulan heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labo geesoodka ah
MW Paul Biya oo 92 jir ah ayaa markale ku guuleystay doorashada dalka Cameroon
Baarlamaanka Jabuuti oo laalay xadka da’da madaxweynenimada iyo MW Geelle oo markale is sharixi kara
Turkiga oo qalab casri ah ku taageeray warbaahinta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo awooddeeda
Israa’iil oo oggolaatay in Laanqeyrta Cas gasho Qaza si ay u raadiyaan meydadkii la haystayaasha
21 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadantinimo gudaha DRC: Oxfam France
15 Dal oo Turkigu ku jiro oo si adag u cambaareeyay ansixinta Israa’iil ee sharciyada Daanta Galbeed
Shirkii Hoggaanka Ciidamada Dhulka ee Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Kigali
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay kalasaaridda degmooyinka Muqdisho iyo sharciyo qaran oo muhiim ah
Aqoon-is-weydaarsi Diimeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti
Erdogan oo soo afmeeray safarkiisa khaliijka ee uu ku tagay Kuwayt, Qadar iyo Cumaan
Erdogan iyo Suldaanka Cumaan oo kulan ku yeeshay Masqad iyagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah
Fadhigii taariikhiga ahaa ee Maxkamadda Qaza oo isu diyaarinaya xukunka kama dambeysta ah: Istanbul
Madaxa Bangiga Horumarinta Soomaaliya: Joojinta USAID waxay si weyn u saamaysay dhaqaalaha dalka
Xadka Turkiga oo la filayo in dhawaan la furo kadib wadahadallo natiijo wanaagsan keenaya: Armeeniya
Taliyaha Booliska Soomaaliya oo kulan amni iyo iskaashi la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq