CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka 151-aad ee Ururka Baarlamaanada Caalamka (IPU)
Shirkan sannadkan ayaa diiradda saaraya arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo taageeridda dadaallada bani’aadantinimo xilli ay dunidu wajahayso dhibaato iyo qalalaase caalami ah.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka 151-aad ee Ururka Baarlamaanada Caalamka (IPU)
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka 151-aad ee Ururka Baarlamaanada Caalamka (IPU) / Others
22 Oktoobar 2025

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo hoggaaminaya wafdi ka kooban xubno ka socda labada aqal oo ka qeybgalaya shirka 151-aad ee Ururka Baarlamaanada Caalamka (IPU) oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan sannadkan ayaa diiradda saaraya arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo taageeridda dadaallada bani’aadantinimo xilli ay dunidu wajahayso dhibaato iyo qalalaase caalami ah. Inta uu socdo shirka, wafdiyada ka kala socda dalalka xubnaha ah ayaa isweydaarsan doona aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xalalka waxtarka leh ee lagu xoojin karo arrimahan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, isaga oo ka hadli doona xaaladda guud ee Soomaaliya, guulihii ugu dambeeyay ee dowladdu ka gaartay amniga iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, iyo sidoo kale mowduuca guud ee shirka ee sannadkan.

Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Shiinaha oo yeeshay kulan heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labo geesoodka ah
MW Paul Biya oo 92 jir ah ayaa markale ku guuleystay doorashada dalka Cameroon
Baarlamaanka Jabuuti oo laalay xadka da’da madaxweynenimada iyo MW Geelle oo markale is sharixi kara
Turkiga oo qalab casri ah ku taageeray warbaahinta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo awooddeeda
Israa’iil oo oggolaatay in Laanqeyrta Cas gasho Qaza si ay u raadiyaan meydadkii la haystayaasha
21 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadantinimo gudaha DRC: Oxfam France
15 Dal oo Turkigu ku jiro oo si adag u cambaareeyay ansixinta Israa’iil ee sharciyada Daanta Galbeed
Shirkii Hoggaanka Ciidamada Dhulka ee Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Kigali
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay kalasaaridda degmooyinka Muqdisho iyo sharciyo qaran oo muhiim ah
Aqoon-is-weydaarsi Diimeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti
Erdogan oo soo afmeeray safarkiisa khaliijka ee uu ku tagay Kuwayt, Qadar iyo Cumaan
Erdogan iyo Suldaanka Cumaan oo kulan ku yeeshay Masqad iyagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah
Fadhigii taariikhiga ahaa ee Maxkamadda Qaza oo isu diyaarinaya xukunka kama dambeysta ah: Istanbul
Madaxa Bangiga Horumarinta Soomaaliya: Joojinta USAID waxay si weyn u saamaysay dhaqaalaha dalka
Xadka Turkiga oo la filayo in dhawaan la furo kadib wadahadallo natiijo wanaagsan keenaya: Armeeniya
Taliyaha Booliska Soomaaliya oo kulan amni iyo iskaashi la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq