CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Turkiga oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Al-Fasher, Suudaan
Ankara ayaa sidoo kale ku baaqday in la xaqiijiyo helidda marin nabdoon oo gargaar bani’aadamnimo si fudud lagu gaarsiin karo, isla markaana la joojiyo weerarrada lagu hayo shacabka aan waxba galabsan.
Turkiga oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Al-Fasher, Suudaan
A civil war between the Sudanese army and RSF continues since April 2023. / AA
4 saacadood ka hor

Turkiga ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada ka socda magaalada Al Fasher iyo deegaanada ku hareeraysan ee dalka Suudaan.

Bayaan Talaadadii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in la helo marin nabdoon, in gargaar bini’aadantinimo si aan caqabad lahayn loo gaarsiiyo dadka u baahan, iyo in la joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Ankara ay si weyn uga walaacsan tahay xaaladaha ugu dambeeyay ee Suudaan, iyadoo sidoo kale taageertay bayaanka kasoo baxay Jaamacadda Carabta ee ku saabsan arrintan. Waxay cambaareysay xadgudubyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ka dhacay Al Fasher, oo toddobaadkan gacanta u gashay maleeshiyaadka RSF.

Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijisay taageerada shuruud la’aanta ah ee Turkiga uu u hayo midnimada, madax-bannaanida dhuleed, iyo qarannimada Suudaan, iyadoo hoosta ka xariiqday muhiimadda wada-hadalka si loo helo xal nabadeed oo lagu soo afjaro colaadda.

Dagaal sokeeye oo u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo xoogagga RSF ayaa socday tan iyo bishii Abriil 2023. Kumannaan qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan 14 milyan oo kalena ay ku barakaceen dagaalladaas.

XIGASHO:AA