TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Safiirka Turkiga oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Dadaalladan ayaa sii xoojiyay kulamo kala duwan oo dhawaan la qabtay.
Safiirka Turkiga oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktas, ayaa qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan. / User Upload
29 Sebteembar 2025

Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktas, ayaa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Kulanka, oo uu Safiirku ku sifeeyay mid "miro dhal ah," ayaa diiradda lagu saaray xoojinta tababarrada iyo isdhaafsiga khibradaha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Dadaalladan ayaa sii xoojiyay kulamo kala duwan oo dhawaan la qabtay.

Dhanka kale, Booliiska Soomaaliya waxa ay sheegeen in kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta labada dhinac.

“Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa la kulmay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Alper Aktas iyo masuuliyiin Safaaradda katirsan. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo derdergelinta taageerada ee dhinaca Tababarada iyo khibrad wadaaga oo door wanaagsan ay Dawladda Turkiga kaga jirto Dawladaha garab istaaga siiya Dawladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri barta Facebook-ga.

Xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay galay weji cusub, taasoo muujineysa iskaashi sii qoto dheeraanaya oo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada.

Kulamo isdaba joog ah oo dhexmaray mas'uuliyiin sare oo ka kala socda labada dal iyo guulo la taaban karo oo laga gaaray mashaariicda ay Jamhuuriyadda Turkigu ka waddo Soomaaliya ayaa daliil u ah sida ay labada dal uga go'an tahay mustaqbal wanaagsan oo ku dhisan iskaashi wax ku ool ah.

Tiirka Amniga: Booliska, Militariga iyo Iskaashiga Difaaca

Iskaashiga dhinaca amniga ayaa ah aasaaska xiriirka labada dal. Turkigu wuxuu magaalada Muqdisho ku leeyahay xarunta tababarka ciidamada ee TurkSom, oo ah saldhigga militari ee ugu weyn ee uu dibadda ku leeyahay, halkaas oo lagu tababaro kumanaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Maalgashiga Mustaqbalka: Waxbarashada iyo Horumarinta

Marka laga soo tago amniga iyo dhaqaalaha, Turkigu wuxuu si weyn u maalgeliyay mustaqbalka jiilka soo koraya ee Soomaaliyeed. Hay'adda Maarif ee Turkiga ayaa rajo cusub siisay boqolaal arday Soomaaliyeed ah, iyadoo dugsiyo casri ah ka furtay Muqdisho iyo Hargeysa.

Dugsiyadan ayaa ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta ah siiyay fursad ay ku helaan waxbarasho tayo leh iyo deeqo waxbarasho oo noloshooda beddelay.

Guud ahaan, dhacdooyinkan is biirsaday waxay muujinayaan in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan ficil dhab ah, oo hiigsanaya in la dhiso Soomaaliya deggan oo barwaaqo ah.