CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
RW Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika
“Maanta Soomaaliya waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna taagan dhabbaha horumarka iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
RW Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika
RW Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Horumarka Afrika / OPM Somalia
20 Oktoobar 2025

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika, oo lagu qabtay magaalada Aswan ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo cinwaankiisu ahaa “Awoodda Afrika ee Horumarka iyo Isbeddelka Adduunka Casriga ah.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, iyadoo si dhab ah uga gudubtay dhibaatooyinkii amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee soo wajahay dalka. Wuxuu xusay guulo muhiim ah oo dowladda la taaban karo ay gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha qaranka, deyn cafinta Soomaaliya, xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka iyo caalamka, qaadista cunaqabateyntii hubka ee muddada dheer saarneyd dalka, iyo horumarka ballaaran ee laga gaaray dhinaca amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo bandhigay Hannaanka Qaran ee Isbeddelka 2025–2030, oo ah qorshe istiraatiiji ah oo diiradda saaraya lix tiir oo waaweyn oo ka ah: dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin, horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka, amniga cuntada iyo horumarinta beeraha, ilaalinta deegaanka iyo tamarta nadiifta ah, iyo daahfurnaanta iyo hufnaanta maamulka dowladeed.

“Maanta Soomaaliya waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna taagan dhabbaha horumarka iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar doorka joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.