Idaacadda Marinka Qaza oo Hawada Ku Soo Laabatay
CAALAMKA
8 daqiiqo akhris
Idaacadda Marinka Qaza oo Hawada Ku Soo LaabatayIdaacadda oo mar loo arkayay mid duugoowday, ayaa dib ugu soo noqotay hawada iyadoo noqotay halbowlaha reer Qaza. Mawjaddeedu waxay xambaarsan tahay magacyada kuwii dhintay, hagtaa kuwa nool, kana turjumaysa adkaysiga dad diiday inay baaba’aan.
Mutadawwiciinta oo diyaarinaya barnaamij cusub oo ka baxaya Radio Basma, oo ka mid ah idaacadaha weli shaqeeya Qaza. (Sawirka: Rafat Al-Qudrah) / Others
9 Oktoobar 2025

Markii dagaalka Israa’iil ee Qaza uu qarxay bishii Oktoobar 2023, in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool Qaza ayaa galay go’doon buuxa. Iyadoo khadadka telefoonka la jaray, internetkana ay si isdaba joog ah ciidamada Israa’iil u damiyeen, Falastiiniyiinta ayaa ku qasbanaaday inay ku noolaadaan xaalad khatar iyo barakac ah, iyagoo ku tiirsan xiriir aad u yar oo ay la leeyihiin dunida dibadda.

Xaaladdan adag, warbaahinta raadiyaha oo mar loo arkayey inay tahay mid duugoobay ayaa dib u soo ceshatay muhiimaddeeda. Raadiyaha oo ah qalab yar oo ku shaqeeya baytari, ayaa noqday habka ugu muhiimsan ee isgaarsiinta, isagoo dadka gaarsiinaya wararka, isku xira bulshada, isla markaana siinaya dareen ah inay weli qayb ka yihiin dunida.

Deegaanka al-Mawasi ee Khan Younis, oo ku taalla xeebta Qaza, halkaas oo teendhooyin duugoobay ay ku yaallaan, raadiyo yar ayaa uga si dhif ah uga shaqeynaya xilli jahwareer uu ka jiro halkaas.

Gudaha raadiyaha, cod gudbiyaha oo duugoobay ayaa la daalaadhacaya sawaxanka dagaalka. Mararka qaar codku wuu yaraadaa oo ku dhex lumaa qaylada dadka; mararka qaarna hees la yaqaan ayaa soo dhex gasha, ama magacyada dadka dhintay oo habeen walba la akhriyo, taasoo buuxisa aamusnaanta murugada iyo xusuusta.

Rafat Al-Qudrah, oo ah agaasimaha Codka Falastiin (Voice of Palestine) ahna weriye khibrad leh, ayaa hogaaminaya raadiyaha oo noqday badbaadada ugu dambeysa ee Qaza.

Wuxuu xasuustaa sida barnaamijyada idaacadda ay habeen keliya isu beddeleen kadib 7-dii Oktoobar 2023: “Kahor dagaalka, Voice of Palestine waxay gudbin jirtay dareenka bulshada Falastiin,” ayuu yiri.

“Ma haysanno fursad aan ku soo saarno barnaamijyo madadaalo ah. Shaqadeenna hadda waa inaan si joogto ah ula soconno xaaladda, taageerno dadka, oo aan soo bandhigno sheekooyinka bani’aadamnimada ee adag.”

Isagoo la hadlayay TRT World, ayuu ku daray: “Daqiiqad kasta oo idaacadda ka baxaysa waa mas’uuliyad weyn: inaan duubno dagaalka, runta gudbino, oo aan noqono codka Falastiiniyiinta ee dunida.”

Idaacadaha wali halganka ugu jira inay badbaadaan

Idaacadaha yar ee weli ka shaqeeya Qaza sida Voice of Palestine, Radio Basma, iyo adeegga degdegga ah ee BBC ‘Gaza Daily’, waxay ku baahiyaan hirarka gaagaaban iyo kuwa dhexe, oo laga heli karo raadiyeyaasha jeebka lagu qaato.

Iyagoo aan ku tiirsanayn internet-ka, hirarkan waxay gudbiyaan macluumaad muhiim ah. Iyaga ayaa dadka Qaza ku nool ka caawiya inay ogaadaan halka duqeymuhu ay ka socdaan, goorta ay imanayaan kolonyada gargaarka xaddidan qaybsha, haddii ay jirto xabbad-joojin la filayo, ama xitaa mararka qaar hees yar oo dejisa cabsidooda.

Dadka intooda badan waxay dhageystaan idaacadda Voice of Palestine, oo gudbisa farriimaha qaranka iyo xusuusta dadka la dilay, iyagoo ilaalinaya aqoonsiga qaranka. Dhanka kale, Radio Basma, ayaa dadka dhageystaahi ka helaan barnaamijyo diini ah iyo kuwo bani’aadamnimo oo ay weheliyaan heeso dhaqameed Falastiini ah, si ay u mideeyaan dadka kala firirsan.

Adeegga degdegga ah ee BBC, oo loo yaqaan Gaza Daily, ayaa isna la bilaabay bishii Nofeembar 2023, wuxuuna gudbiyaa wararka degdegga ah, tilmaamaha amniga, iyo macluumaadka qaybinta gargaarka, iyadoo laga baahiyo Qaahira iyo London maalin kasta 05:00 GMT iyo 15:00 GMT.

Saxaafiyiinta weli ka shaqeeya Qaza, iyagoo maalin kasta wajaha khatar duqeyn toos ah oo Israa’iil ku beegsanayso, ayaa garwaaqsaday in codkoodu uu noqon karo farqiga u dhexeeya nolol iyo geeri, ama go’doon iyo dib-u-midoobid.

Iyad Abu Shawish, oo ah weriye ka tirsan Radio Basma, ayaa u sheegay TRT World: “Maalin kasta waxaan imaannaa istuudiyaha annagoo aan hubin in aan ka bixi doonno annagoo nool. Balse waxaan aaminsanahay in dadka ay u baahan yihiin codkeenna.”

Rafat Al-Qudrah wuxuu sheegay in inkastoo ay khatar joogta ah la kulmaan, isaga iyo asxaabtiisu ay sii wadaan shaqadooda iyagoo ka shaqeynaya istuudiyayaal ku-meel-gaar ah oo ku yaalla guryaha burburka ka nabad galay ama teendhooyinka ku yaal goobaha barakacayaasha.

“Waxaan isku daynay inaan la qabsanno,” ayuu yiri. “Waxaan isticmaalnaa qalab duug ah, oo aan ka soo amaahanno idaacado kale, xitaa mararka qaar waxaan barnaamijyadeena ka baahinnaa guryo ama xarumo ku-meel-gaar ah.” Warbaahinta dagaalka dhexdiisa ku shaqeysaa waxay u baahan tahay hal-abuur iyo adkaysi.”

Marka korontadu go’do inta duqeymuhu socdaan, qalabka ayaa noqda mid nugul. Injineerradu waxay ka soo ururiyaan qaybaha duugoobay qalabkii hore, waxay anteenooyinka ku daboolaan balaastiig si ay u ilaaliyaan, waxayna adeegsadaan baytariyada gawaarida marka matoorrada shidaalku ka dhammaado.

Nabil Sanouno, oo ah farsamo-yaqaan ka tirsan Radio Palestine, ayaa yiri: “Baahin kasta waa ficil iska caabin ah. Haddii anteenooyinku dhacaan, waan fuulnaa oo waan hagaajinnaa, xitaa haddii ay nolosheena halis geliso.”

Hirarkii taariikhda

Raadiyuhu muddo dheer ayuu ka mid ahaa taariikhda halganka iyo adkaysiga Falastiin, isagoo mar walba ahaa markhaati ka ah nolosha, nabadda iyo burburka.

Intii lagu jiray mandate-kii Ingiriiska ee 1930-meeyadii, waxaa jiray adeeg raadiyo oo la oran jiray Palestine Broadcasting Service (PBS), kaas oo hoos imaanayay maamulka gumeystaha, barnaamijyadiisuna si adag loo cunaqabatayn jiray.

Ka dib Nakbadii 1948, PBS waa la kala diray, Falastiiniyiintuna waxay sugeen in ka badan 40 sano si ay dib u helaan idaacad u gaar ah.

Sannadkii 1994, ka dib heshiiskii Oslo, waxaa la aasaasay Palestinian Broadcasting Corporation (PBC), oo loo yaqaan Codka Falastiin (Voice of Palestine). Idaacaddan ayaa ka badbaaday duqeymo badan, balse intii lagu jiray Intifada’dii labaad, duqeyn ay Israa’iil 2002 ka geysatay xaafadda Al-Shujaeeya ee magaalada Gaza ayaa burburisay qalabkeedii. Tan iyo markaas, idaacadda waxaa lagu sii daayaa hirar gaagaaban (shortwave) — cod joogto ah oo ka hadlaya xanuunka, rajada, iyo adkaysiga shacabka Falastiin.

Taariikh ahaan, raadiyuhu wuxuu ahaa xarig nolosha lagu tiirsado xilliyada dagaalka. Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, idaacado qarsoodi ah ayaa gudbin jiray fariimo sir ah oo loo dirayay kooxaha iska caabinta. Dagaalkii Bosnia ee 1990-meeyadii, idaacadaha maxalliga ah ayaa isku xiray bulshooyinkii go’doonsanaa.

Codka Falastiin (Voice of Palestine) ayaa mar walba lagu eedeeyaa in uu kiciyo adkaysiga shacabka, waxaana Israa’iil u aragtaa aalad halis ah xilliyada kacdoonada Falastiin.

Hadda, mar kale, iyadoo Falastiiniyiinta Gaza ay wajahaan go’doon isgaarsiineed oo muddo dheer socday, idaacadaha maxalliga ah ayaa dib u ceshanaya kaalintoodii bulshada Falastiin, iyagoo noqday aalad iska caabin iyo cod aan si fudud loo aamusin karin.

Raadiyaha oo noqday xarig bulsho iyo nafis ruuxi ah

Gaza gudaheeda, raadiyuhu ma aha oo keliya qalab lagu gudbiyo wararka, waa saaxiib iyo daawo nafsi ah. Dhegeysiga codadka weriyeyaasha la yaqaan waxay yareeyaan welwelka iyo cidlonimada go’doominta.

Liyaan Atallah, oo ah arday jaamacadeed barakac ah oo ka timid bartamaha Gaza kuna nool Xeryaha Mawasi ee Khan Younis, waxay tiri:

“Waligay ma aanan malayn in raadiyo uu noqon doono isha keliya ee aan ka helo macluumaad. Marka aanan haysan internet, waxaan dareemaa inaan indho la’ahay, laakiin raadiyuhu wuxuu i siyaa qayb araggaygii ah — waa noqday codkeena keliya.”

Barnaamijyo qaar ayaa oggolaada in dhegeystayaashu wacaan ama fariimo gacanta lagu qoray u diraan qaraabadooda.

Rafat al-Qudrah ayaa yiri: “Fariimaha ugu badan ee aan helno waa kuwa adkaysi iyo duco ah. Dhegeystayaashu waxay nagu yiraahdaan, ‘Idinku waa codkeena, ha naga tagina.’ Qaar kalena waxay keliya codsadaan in magacyadooda hawada lagu akhriyo, si ay u ogaadaan in ay weli nool yihiin oo adkaysanayaan. Daqiiqadahaa waa kuwo si qoto dheer u taabanaya; waxay nagu dareensiiyaan inaanan ahayn oo keliya idaacad — balse xadhig nololeed u ah dadka.”

Raadiyuhu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa nolosha hooyooyinka Falastiin. Wuxuu ku dhawaaqaa meelaha lagu qeybinayo cunto iyo dawo xaddidan, wuxuuna sii daayaa heeso iyo sheekooyin loogu talagalay carruurta, si loogu abuuro dareen yar oo caadi ah xilli uu fowdo iyo burbur jiro.

Gudaha teendho jilicsan oo ay degan tahay kadib markii gurigeeda la burburiyay, Umm Maxamed, hooyo 42 jir ah oo ka soo jeeda Khan Younis, ayaa ku fadhiya raadiyo duug ah oo dhinaceeda yaal.

“Raadiyuhu wuxuu noqday saaxiibkeen,” ayay tiri. “Habeenkii waxaan dhignaa barkinta agteeda, annagoo dhegeysanayna wararka, isku dayeyna inaan fahanno waxa berri imaan doona.”

Si kastaba, dhegeysiga raadiyaha mar walba sahal ma aha. “Mararka qaar baytariyadu way dhammaadaan, mararna ma helno kuwo cusub. Ma jiro koronto lagu dallaco qalabka, markaa waa inaan daminno saacado badan, xitaa marka si aad ah aan ugu baahanahay.”

Carruurteedu waxay u janjeeraan raadiyaha xitaa ka badan iyada. “Waxay si xiise leh u sugaan qaybta muusigga,” ayay tiri iyadoo dhoolla-caddeyneysa. “Waxay jecel yihiin heesaha Mawtini iyo Zahrat al-Mada’in. Markay maqlaan muusigga, cod dheer ayay ku heesaan, muddo yarna way ilaawaan cabsi iyo dhawaqa diyaaradaha.”

Gaza gudaheeda, raadiyuhu wuxuu isu muujiyay inuu yahay qalab dimoqraadi ah oo gaara qof walba — laga bilaabo kuwa barakacay ee deggan xeryaha koonfurta illaa dadka go’aansaday inay ku sii nagaadaan woqooyiga. Wuxuu isku xiraa dadka teendhooyinka iyo hoyga ku-meelgaarka ah, iyo xitaa bukaannada ku jira isbitaallada.

Qoysas qaar ayaa xitaa kaydsaday duubisyo idaacadeed oo ay u arkaan qayb ka mid ah taariikhdooda shakhsiyeed. Sidaas darteed, raadiyuhu wuxuu noqday arjiif qaran oo nool, oo diiwaangeliya faahfaahinta nolosha xilliga dagaalka — laga bilaabo liisaska shuhadada ilaa heesaha ay dadku wada jecel yihiin.

Rafat al-Qudrah ayaa yiri: “Codka Falastiin wuu sii yeedhi doonaa, xitaa haddii dagaalku sii xoogeysto. Anaga, raadiyuhu waa xarig nololeed, waa aalad gudbisa xanuunka iyo adkaysiga dadka Gaza ee dunida oo dhan maqashiisa. Codkeennu wuu ka xoog badan yahay dagaalka.”

XIGASHO:TRT World
Raadi Warar Kale
Aqoon-is-weydaarsi Diimeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti
Erdogan oo soo afmeeray safarkiisa khaliijka ee uu ku tagay Kuwayt, Qadar iyo Cumaan
Erdogan iyo Suldaanka Cumaan oo kulan ku yeeshay Masqad iyagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah
Fadhigii taariikhiga ahaa ee Maxkamadda Qaza oo isu diyaarinaya xukunka kama dambeysta ah: Istanbul
Madaxa Bangiga Horumarinta Soomaaliya: Joojinta USAID waxay si weyn u saamaysay dhaqaalaha dalka
Xadka Turkiga oo la filayo in dhawaan la furo kadib wadahadallo natiijo wanaagsan keenaya: Armeeniya
Taliyaha Booliska Soomaaliya oo kulan amni iyo iskaashi la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq
Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga gaadiidka iyo duulista hawada
Garoonka diyaaradaha Khartoum oo weerarro drones ah lala beegsaday maalintii saddexaad: Suudaan
Hoggaamiyaha Mali oo xilka ka qaaday taliyayaasha ciidanka iyadoo xaaladda amnigu ay sii xumaanayso
Weerarro loo adeegsaday drone oo dib u dhigay dib u furitaanka garoonka diyaaradaha Khartuum
In ka badan 1,000 qof oo laba maalmood gudahood ka barakacay magaalada El-Fasher ee Darfur: Sudan
Booliska Cameroon oo rasaas ku furay mudaaharaadayaal ka caraysan natiijada doorashada
IGAD: Shir looga hadlo Shaqo-abuurka, Socdaalka, iyo Horumarka Gobolka oo ka furmay Nairobi
Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka 151-aad ee Ururka Baarlamaanada Caalamka (IPU)
Ciidamada NISA oo dilay toddobo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah howlgal qorshaysan oo ka dhacay Hiiraan