CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Aqoonsiga reer Galbeedka ee Falastiin waa inuu u gogolxaaro xalka labada dal: Erdogan
Kadib saxiixii heshiiska xabbad-joojinta ee ka dhacay Masar, MW Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in la sii wado taageerada caalamiga ah ee dib-u-dhiska Qaza, isagoo ka digay in aan la iloobin musiibada bani’aadantinimo ee ka jirta marinka.
Aqoonsiga reer Galbeedka ee Falastiin waa inuu u gogolxaaro xalka labada dal: Erdogan
Erdogan ayaa hoosta ka xarriiqay wadashaqeyn uu la sameynayo Trump iyo waddamo kale si maalgelin loogu helo soo kabashada Qaza. / AA
14 Oktoobar 2025

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii sheegay in tallaabooyinka dalalka reer Galbeedka ee aqoonsanaya Falastiin ay aasaas muhiim ah u yihiin hirgelinta xalka laba dal, halkii ay ka ahaan lahaayeen oo keliya tillaabooyin diblomaasiyadeed, kaddib heshiiskii xabbad-joojinta ee Masar oo si rasmi ah u soo afjaray dagaalkii laba sano socday ee Israa’iil ku qaaday Qaza.

“Xilligan, waxaa lama huraan ah in la xoojiyo dadaallada lagu gaarayo xalka laba dal. Waxaan doonaynaa in go’aamada dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Boqortooyada Ingiriiska iyo Faransiiska, ee ay ku aqoonsadeen Dowladda Falastiin loo arko tillaabooyin aasaasi ah oo horseedaya xalka labada dal, halkii ay ka ahaan lahaayeen aqoonsi keliya. Haddii kale, tallaabo kasta oo la qaado waxay noqon doontaa mid aan dhammaystirnayn,” ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu mar kale ku celiyay in Falastiin oo noqota dawlad madax-bannaan, leh madax-bannaani dhuleed oo mideysan, laguna salaynayo xuduudihii 1967, caasimaddeeduna tahay Bariga Qudus, ay tahay xalka keliya ee suurtogalka ah.

Masar, Qatar iyo Turkiga ayaa la saxiixay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump dukumiinti ku saabsan heshiiska xabbad-joojinta Qaza, kaas oo dejin doona qawaaniinta iyo xeerarka heshiiska, sida uu Trump sheegay saxiixa kahor.

“Dukumiintiyadani ma aha calaamad uun, ee waa ballanqaadkeenna nabadda iyo taariikhda,” ayuu yiri Erdogan.

‘Xasuuqii Qaza waa inaan la ilaawin’

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dhaliilay Israa’iil, isagoo sidoo kale sheegay in dalalkan ay ka go’an tahay inay dhaqan geliyaan heshiiska nabadeed.

“Waa caddahay in Israa’iil aysan natiijo ku gaari karin duullaanka ay ku haysato deriskeeda. Dowladda Netanyahu ee isku dayaysa inay cambaareynta xasuuqa u ekeysiiso nacaybka Yuhuudda (antisemitism) aysan ka gaarin wax natiijo ah,” ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu ka digay in xaaladda bani’aadantinimo ee Qaza aan la iloobin, isagoo ku adkaystay in dadaallada diblomaasiyadeed la sii wado si looga hortago musiibo kale oo bini’aadantinimo.

“Waa inaan sii wadnaa dadaallada lagu hubinayo in xasuuqii Qaza aan la iloobin,” ayuu yiri Erdogan.

Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda xiriirka diblomaasiyadeed ee uu la leeyahay Trump, isagoo sheegay in wadashaqeyntani ay tahay mid “aad u muhiim ah,” isla markaana uu ballanqaaday inuu ku sii wadi doono wada-shaqeyntaas isla heerkaas sare.

Dib-u-dhiska Qaza oo u baahan taageero ballaaran

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Ankara ay la hadleyso cid kasta oo ka qayb qaadan karta dib-u-dhiska Qaza, isagoo ugu baaqay dalalka Khaliijka, Maraykanka iyo Yurub inay bixiyaan taageero ballaaran.

Erdogan ayaa kalsooni ka muujiyay in si degdeg ah maalgelin loo heli doono si loogu hirgeliyo mashaariicda dib-u-dhiska ee guud ahaan marinka Qaza ee burburay.

Isagoo muujinaya xaaladda bani’aadantinimo ee Qaza, Erdogan wuxuu xusay in dib-u-dhisku yahay mudnaanta koowaad, isla markaana ballanqaaday in hoy la siin doono dadka Qaza ka hor inta aan la gaarin xilliga qaboobaha.

“Waxaan si joogto ah uga shaqayn doonaa in dadka Qaza la siiyo guryo ka hor inta aan la gaarin xilliga qaboobaha,” ayuu yiri Erdogan, isagoo ka hadlayay diyaarad uu uga soo laabanayay magaalada Sharm el-Sheikh ee Masar, halkaas oo shalay lagu qabtay shirkii nabadda Qaza.

Erdogan ayaa sheegay in ilaa 350 gaari oo gargaar bani’aadantinimo ah oo ka yimid Turkiga ay galeen Qaza, isagoo intaas ku daray in heshiiska Xamaas iyo Israa’iil uu dhigayo in ugu yaraan 600 gaari oo gargaar ah ay maalin kasta galaan marinka.

XIGASHO:TRTWorld and agencies
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Shiinaha oo yeeshay kulan heer sare ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labo geesoodka ah
MW Paul Biya oo 92 jir ah ayaa markale ku guuleystay doorashada dalka Cameroon
Baarlamaanka Jabuuti oo laalay xadka da’da madaxweynenimada iyo MW Geelle oo markale is sharixi kara
Turkiga oo qalab casri ah ku taageeray warbaahinta dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo awooddeeda
Israa’iil oo oggolaatay in Laanqeyrta Cas gasho Qaza si ay u raadiyaan meydadkii la haystayaasha
21 milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadantinimo gudaha DRC: Oxfam France
15 Dal oo Turkigu ku jiro oo si adag u cambaareeyay ansixinta Israa’iil ee sharciyada Daanta Galbeed
Shirkii Hoggaanka Ciidamada Dhulka ee Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Kigali
Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay kalasaaridda degmooyinka Muqdisho iyo sharciyo qaran oo muhiim ah
Aqoon-is-weydaarsi Diimeed oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Jabuuti oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti
Erdogan oo soo afmeeray safarkiisa khaliijka ee uu ku tagay Kuwayt, Qadar iyo Cumaan
Erdogan iyo Suldaanka Cumaan oo kulan ku yeeshay Masqad iyagoo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah
Fadhigii taariikhiga ahaa ee Maxkamadda Qaza oo isu diyaarinaya xukunka kama dambeysta ah: Istanbul
Madaxa Bangiga Horumarinta Soomaaliya: Joojinta USAID waxay si weyn u saamaysay dhaqaalaha dalka
Xadka Turkiga oo la filayo in dhawaan la furo kadib wadahadallo natiijo wanaagsan keenaya: Armeeniya
Taliyaha Booliska Soomaaliya oo kulan amni iyo iskaashi la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq