SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Ramaphosa oo ballanqaaday inuu qaadayo tallaabo kadib eedeeyn musuqmaasuq oo loo jeediyay Wasiir
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, oo ka qaybgalaya Shirka BRICS ee Brazil, ayaa sheegay in eedeymaha soo baxay siinayo “mudnaanta ugu sarreeysa."
Ramaphosa oo ballanqaaday inuu qaadayo tallaabo kadib eedeeyn musuqmaasuq oo loo jeediyay Wasiir
Madaxweyne Ramaphosa oo ka qaybgalaya Shirka BRICS ee Brazil, halkaas oo uu kaga hadlay eedeymaha musuqmaasuqa ee loo jeediyay wasiirkiisa.
7 Luulyo 2025

Taliyaha Booliska gobolka ayaa Axaddii ku eedeeyay Wasiirka Booliska Koonfur Afrika iyo saraakiil kale inay caqabad ku yihiin baaritaanka siyaasiyiinta, taasoo keentay in xisbiyo kala duwan ay dalbadaan baaritaan.

Kacdoonka ka dhashay eedeymaha loo jeediyay Wasiirka Booliska Senzo Mchunu ayaa ku qasbay Madaxweyne Cyril Ramaphosa inuu ka hadlo arrintaas isagoo jooga shirka BRICS ee Brazil, isla markaana uu ku baaqo in la xakameeyo xaaladda.

Xasilloonida iyo koboca dhaqaalaha Koonfur Afrika waxaa khalkhal gelinaya heerarka sare ee dambiyada iyo musuqmaasuqa, oo ay ku jiraan shabakado abaabulan.

Taliyaha Booliska Gobolka KwaZulu-Natal, Jenaraal Nhlanhla Mkhwanazi, ayaa ku eedeeyay Mchunu inuu lacag ka helay qof lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq, isla markaana uu ka qayb qaatay kala diridda koox baaraysay dilal si loo ilaaliyo dad siyaasad ahaan xiriir la leh.

Taliyaha, oo ka hadlayey warbaahinta isagoo hareeraha ka joogay ciidamo hubeysan, qaar wejigooda ka qarinaya, ayaa sheegay inuu bilaabay baaritaan dambi oo ku saabsan wasiirka, sidoo kalena ku eedeeyay saraakiil kale inay caqabad ku yihiin shaqada booliska ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan.

‘Eedeymo niyad-jab leh’  

Mchunu ayaa diiday eedeymaha isagoo ku tilmaamay "tuhun aan caddeyn iyo habraac sax ah lahayn," hase yeeshee sheegay inay baaritaan lagu sameyn doono.  

"Arrintan waa mid khatar weyn ku ah amniga qaranka oo waxaana siinayaa mudnaanta ugu sarreeysa," ayuu Ramaphosa ku sheegay bayaan, isagoo ballanqaaday in tallaabooyin dheeraad ah la qaadi doono markii uu soo laabto.

Xisbiga Mchunu ee African National Congress (ANC) ayaa sheegay in eedeymahaas si degdeg ah oo dhab ah loo wajaho.

Xisbigii dhexe-midig ee Democratic Alliance, oo kordhiyay baaqyada Ramaphosa uu wasiirrada lagu eedeeyay musuqmaasuqa ka eryo, ayaa dalbaday dood degdeg ah oo baarlamaanka ka dhacda.

"Eedeymahan niyad-jabka leh ee musuqmaasuqa, faragelinta siyaasadeed, iyo ku xadgudubka heerka ugu sarreeya ee hay’adaha ilaalinta sharciga iyo amniga qaranka ee Koonfur Afrika waa in si dhaqso ah loo baaraa," ayay ku sheegtay.

XIGASHO:AFP
Raadi Warar Kale
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey
Soomaaliya oo ku dhawaaqday in kaarka aqoonsiga qaranka lagu codsan doono baasaboorka Soomaaliga ah
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo qalinka ku duugay dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari
Kenya: Steve Munyakho oo laga soo daayay xabsiga Sacuudiga, kuna soo laabtay dalkiisii
Kenya: Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata
Mahad Salaad: Sababta Soomaaliya ay ugu baahan tahay qorshaha hoggaamiyaha cusub ee sirdoonka
Booliiska Kenya oo kala eryay dibadbaxayaal dhigayay Sannad Guurada Saba Saba