SIYAASADDA
3 daqiiqo akhris
Booliiska Kenya oo kala eryay dibadbaxayaal dhigayay Sannad Guurada Saba Saba
Booliisku waxay sidoo kale xireen waddooyinka waaweyn ee soo gala magaalada, waxayna si weyn u xaddideen gaadiidka gudaha Nairobi, taasoo keentay in waddooyinka magaalada ay noqdan kuwo cidlo ah marka laga reebo dibadbaxayaasha lugta kusoo baxay.
Booliiska Kenya oo kala eryay dibadbaxayaal dhigayay Sannad Guurada Saba Saba
Booliiska Kenya ayaa Isniintii kala eryay dibadbaxayaal ku sugnaa Caasimadda Nairobi, kuwaasoo xusayay sannad guuradii 35-aad ee 'Saba Saba'.
7 Luulyo 2025

Booliiska Kenya ayaa Isniintii kala eryay dibadbaxayaal ku sugnaa Caasimadda Nairobi, kuwaasoo xusayay sannad guuradii 35-aad ee kacdoonkii dimoqraadiyadda ee bilowday sanadkii 1990kii.

Kenyaanku waxay sanad walba isu soo baxaan 7-da Luulyo si ay u xusaan maalintii ay bilaabmeen halgankii looga gol lahaa in Kenya looga guuro nidaam xisbi keli ah, looguna gudbo nidaamka xisbiyada badan. Kacdoonkaasi oo loo yaqaan "Saba Saba" ("Toddoba Toddoba" af Kiswahiliga) ayaa salka ku haya taariikhdaas.

Booliiska ayaa xalay kordhiyay heeganka amniga, kaddib markii ay dalka ka dhaceen mudaharaadyo ballaaran oo ay hoggaaminaayeen dhalinyaro bishii Juun 2024. Dibadbaxyadaas ayaa markii hore diiradda lagu saarayey canshuur koror lagu dhawaaqay, balse markii dambe waxay salka la galeen arrimo kale sida isla xisaabtanka dowladda iyo hagaajinta maamul-wanaagga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in booliisku adeegsadeen gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo biyo xoog leh si ay u kala eryaan boqollaal dadweyne ah oo ku sii socday waddo muhiim ah oo ku taalla Nairobi, halkaasoo qaar ka mid ah dibadbaxayaashu ku socdeen iyaga oo afuufaya firimbiyo (whistles).

Booliisku waxay sidoo kale xireen waddooyinka waaweyn ee soo gala magaalada, waxayna si weyn u xaddideen gaadiidka gudaha Nairobi, taasoo keentay in waddooyinka magaalada ay noqdan kuwo cidlo ah marka laga reebo dibadbaxayaasha lugta kusoo baxay.

Dowladda oo ballanqaaday tallaabo adag

Goobo waxbarasho iyo ugu yaraan hal xarun ganacsi ayaa la xiray iyadoo laga cabsi qabay rabshado dhici kara. “Guryaha dib ugu laaban mayno, yaa haddaba xuquuqdeena u dagaallamaya haddii aynaan annaga ku dhaqaaqin?” ayuu yiri Francis Waswa, oo ah shaqaale dhisme ah, ayna wareystay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, oo horraantii bishii hore dibadbaxyada ku sifeeyay "argagixiso ku soo dhuumanayso cabasho", ayaa Axaddii ku qoray bartiisa X (horey u ahaan jirtay Twitter) in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta nolosha iyo hantida muwaadiniinta.

“Hay’adaha amniga ayaa heegan buuxa ku jira si ay tallaabo adag uga qaadaan cid kasta oo dhibaato wadata ama damacsan inay rabshado iyo burbur geliso mudaharaadyada nabadeed,” ayuu yiri.

Arrintan ayaa imaaneysa kaddib geeridii Albert Ojwang, oo ahaa macallin iyo qoraa warbaahinta bulshada, kaasoo bishii Juun ku geeriyooday xabsi booliis. Geeridiisa ayaa dhalisay caro iyo bannaanbaxyo cusub.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee ay dowladda maalgeliso ayaa sheegay in 19 qof ay ku dhinteen dibadbaxyadii dhacay 25-kii Juun guud ahaan dalka.

Xeer-ilaalinta dalka ayaa dacwado dil ah ku soo oogtay lix eedeysane, oo ay ku jiraan saddex askari, kuwaasoo loo heysto geerida Ojwang. Dhammaan eedeysaneyaasha ayaa beeniyay eedaha lagu soo oogay.

XIGASHO:Reuters
Raadi Warar Kale
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey
Soomaaliya oo ku dhawaaqday in kaarka aqoonsiga qaranka lagu codsan doono baasaboorka Soomaaliga ah
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo qalinka ku duugay dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari
Kenya: Steve Munyakho oo laga soo daayay xabsiga Sacuudiga, kuna soo laabtay dalkiisii
Kenya: Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata
Mahad Salaad: Sababta Soomaaliya ay ugu baahan tahay qorshaha hoggaamiyaha cusub ee sirdoonka
Ramaphosa oo ballanqaaday inuu qaadayo tallaabo kadib eedeeyn musuqmaasuq oo loo jeediyay Wasiir