SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Kenya: Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata
Dibadbaxyadaasi ayaa ka dhacay 17 degmo oo kala duwan, waxaana ay ku beegnaayeen xuska sannad-guurada kacdoonkii taariikhiga ahaa ee 7-da Luulyo 1990, oo loo yaqaan "Saba Saba" - ("Toddoba Toddoba").
Kenya: Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata
Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR) ayaa shaaca ka qaaday in rabshado xooggan ay ka dhaceen 17 degmo oo kala duwan.
8 Luulyo 2025

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena way ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Kenya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Rabshadahan ayaa ka dhashay dibadbaxyadii loogu magac daray 'Saba Saba' ee ka dhanka ahaa dowladda.

Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR) ayaa shaaca ka qaaday in rabshado xooggan ay ka dhaceen 17 degmo oo kala duwan intii ay socdeen dibadbaxyadan. Guddigu waxa uu sidoo kale sheegay in gaadiidka gurmadka degdega ah ee loo yaqaano Ambulance la hor istaagay iyadoo sidoo kalena dad badan oo la xiray.

Shacabka Kenya waxay sanad walba isu soo baxaan 7-da Luulyo si ay u xusaan maalintii ay bilaabmeen halgankii looga gol lahaa in Kenya looga guuro nidaam xisbi keli ah, looguna gudbo nidaamka xisbiyada badan.

Kacdoonkaasi oo loo yaqaan "Saba Saba" ("Toddoba Toddoba" af Kiswahiliga) ayaa salka ku haya taariikhdaas.

Booliiska Kenya ayaa xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 11 qof oo ka mid ah dadkii dibadbaxayay, halka tiro ka mid ah ciidamada booliiskana ay soo gaareen dhaawacyo. 

Dhanka kale, KNCHR ayaa tirada dhimashada ku koobtay 10 qof, iyadoo 29 kalena ay dhaawacmeen. Warbixinta guddiga ayaa sidoo kale lagu diiwaan geliyey laba kiis oo afduub ah, 37 qof oo la xiray, iyo boob ka dhacay lix degmo.

Mid ka mid ah dhacdooyinkaas, dambiilayaal la tuhunsan yahay ayaa dab qabadsiiyay xafiiska horumarinta degmada dhexe ee Kerugoya (CDF).

Dibadbaxyadan ayaa ka dhacay 17 degmo oo kala duwan, waxaana ay ku beegnaayeen xuska sannad-guurada kacdoonkii taariikhiga ahaa ee 7-da Luulyo 1990, oo loo yaqaan "Saba Saba".

Ugu yaraan afar qof oo dhimasho ah ayaa la xaqiijiyay Isniintii, gaar ahaan xaafadda Kangemi ee Nairobi iyo magaalada Kitengela oo ku taalla ismaamulka Kajiado, sida ay baahiyeen telefishinnada KTN iyo Citizen TV, oo soo xiganaya shaqaalaha gurmadka degdega ah.

Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in aysan awoodin inay gaaraan qaar ka mid ah dadka dhaawacmay sababo la xiriira jidadka oo ay dibadbaxayaashu xireen, gaar ahaan qaybo ka mid ah xaafadda Kangemi.

Goobjoogayaal ku sugan Kangemi ayaa sheegay in ay arkeen iska horimaad culus oo dhexmaray dibadbaxayaasha iyo ciidamada ammaanka, iyadoo rasaas laga maqlayay aaggaas inta lagu guda jiray subaxnimadii hore.

Xiisadda ayaa weli ka taagan xaafadaha Kibra, Mathare iyo Githurai ee magaalada Nairobi, halkaas oo mudaharaadayaashu ay dab qabadsiiyeen waddooyin muhiim ah, islamarkaana ay ku xireen qashin iyo dhagxaan.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Raadi Warar Kale
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey
Soomaaliya oo ku dhawaaqday in kaarka aqoonsiga qaranka lagu codsan doono baasaboorka Soomaaliga ah
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo qalinka ku duugay dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari
Kenya: Steve Munyakho oo laga soo daayay xabsiga Sacuudiga, kuna soo laabtay dalkiisii
Mahad Salaad: Sababta Soomaaliya ay ugu baahan tahay qorshaha hoggaamiyaha cusub ee sirdoonka
Booliiska Kenya oo kala eryay dibadbaxayaal dhigayay Sannad Guurada Saba Saba
Ramaphosa oo ballanqaaday inuu qaadayo tallaabo kadib eedeeyn musuqmaasuq oo loo jeediyay Wasiir