Farxad, rayn-rayn iyo ilmo ayaa hareeyey garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) habeenkii Isniinta, ka dib markii Steve Munyakho, oo ah nin Kenyan ah oo 51 jir ah, uu ku soo laabtay dalkiisa hooyo ka dib markii laga soo daayay xabsiga dalka Sucuudiga isagoo dil suge ahaa.
Munyakho, oo hadda loo yaqaan Cabdulkaariim, ayaa ka yimid magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya isaga oo ay la socdaan Safiirka Kenya u fadhiya Sucuudiga, Maxamed Ruwange.
Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay qoyskiisa oo aad ugu faraxsanaa, ilmaduna ay ka da’aysay, waxaana ka mid ahaa hooyadiis oo ah weriye sare oo khibrad dheer leh, Dorothy Kweyu, iyo sidoo kale asxaabtiisa.
Sidoo kale waxaa goobta joogay Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda Korir Sing’Oei iyo xubno ka tirsan guddiga "Bring Back Stevo Strategy Committee", oo ah urur si weyn uga shaqeeyay sidii uu heli lahaa xorriyadiisa.
Sannado badan oo murugo leh ka dib, kulan mucjiso ah
Sannado badan oo rafaad, murugo iyo hubanti la'aan ah ka dib, dib u midoobiddan waxaa hareeyey farxad iyo dabbaaldeg. Isagoo la hadlayay saxaafadda, Munyakho ayaa si farxad leh ku tilmaamay xorriyadiisa iyo soo laabashadiisa inay yihiin "mucjiso".
Ku soo laabashadiisa dalkiisa hooyo waxay soo afjartay marxalad dheer oo murugo leh oo ay soo mareen qoyskiisa, kuwaas oo aan marnaba rajada dhigin, inkastoo xaaladdu ay ahayd mid murugo leh intii uu xabsiga ku jiray.
Wuxuu yiri: "Waan ku faraxsanahay inaan dalkeyga ku soo laabto. Joogitaankeyga halkan maanta waa wax aan ka yarayn mucjiso, waxaana doonayaa inaan ku bilaabo inaan Alle uga mahadceliyo hadiyadda nolosha." Waxa uu intaa ku daray inuu u mahadceliyay dowladda Kenya, Ururka Muslim World League, iyo dhammaan intii ka qeyb qaadatay sidii loo xaqiijin lahaa sii deyntiisa.
"Qaar idinka mid ah waan garanayaa, laakiin inta badan oo idinka mid ah, tobanaan kun oo qof, waxaa si fudud u taabatay dhibaatada qof aanay aqoon." ayuu yiri.
"Waxaan u mahadcelinayaa Allaah oo fursaddan labaad i siiyay. Waa cajiib inaan dalkeyga ku soo laabto, balse fadlan ii oggolaada inaan helo waqti aan ku nasto oo aan isku habeeyo intaanan hadal dheeraad ah jeedin," ayuu raaciyay.
Hooyadiis, Dorothy Kweyu, ayaa iyaduna muujisay mahadnaq qoto dheer oo ay u hayso dowladda iyo shacabka Kenya taageeradooda aan kala go'a lahayn.
"Waad mahadsan tahay, Mudane Safiir Maxamed Ramadhan Ruwange, sida aad wiilkaygii curadkayga si nabad ah iigu soo celisay. Aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, dadka Eebbe, ducadii iyo deeqdii aad ku bisaareen xoriyadda Stevo," ayay tiri.

























