SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Kulankan taariikhiga ah kahor, dowladda Suudaan waxay howlaheeda dalka ku maamulaysay xarunteedii ku-meelgaarka ahayd ee magaalada Port Sudan ee bariga dalka.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Kamaal Idriis, ayaa shir-guddoomiyay fadhigii ugu horreeyay ee Golaha Wasiirrada Suudaan tan iyo dagaalkii.
27 Agoosto 2025

Golaha Wasiirrada Suudaan ayaa Talaadadii fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay caasimadda Khartoum, tan iyo markii dagaalka u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada taageerada degdegga ah (RSF) uu halkaasi ka qarxay bishii Abriil 2023.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Kamaal Idriis, ayaa lagu tilmaamay "tallaabo astaan u ah soo laabashada hay'adaha dowladda ee caasimadda, iyadoo ay socdaan qabanqaabooyin amni oo lagu xaqiijinayo xasilloonida," sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee SUNA.

Kahor kulankan, dowladda Suudaan waxay howlaheeda dalka ku maamulaysay xarunteedii ku-meelgaarka ahayd ee magaalada Port Sudan ee bariga dalka.

Sida ay sheegtay SUNA, kulanka waxaa looga hadlay qorshayaasha dhammaan wasaaradaha ee sanadkan, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray adeegyada bulshada, amniga, dib-u-dhiska, iyo xaqiijinta soo laabashada iskaa-wax-u-qabso ah ee dadka barakacay.

Ra’iisul Wasaare Idriis waxaa xilka loo dhaariyay 31-kii May, waxaana dhaariyay Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Golaha Sare ee Suudaan, ahna Taliyaha Guud ee ciidanka Suudaan, Cabdifataax al-Burhan.

Guulaha ciidanka xoogga dalka Suudaan

Tan iyo markii uu dagaalku curtay, Khartuum waxay ahayd fagaare dagaal oo u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo kuwa RSF, kuwaas oo gacanta ku hayay inta badan caasimadda marka laga reebo Xarunta Taliska Guud ee ciidanka iyo goobo kale oo militari oo ku yaalla Khartoum, Bahri, iyo Omdurman.

Bilihii la soo dhaafay, awoodda RSF ayaa si xawli ah hoos ugu dhacday, waxaana guulo isdaba-joog ah gaaray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo la wareegay deegaanno badan oo ay ku jirto gebi ahaanba caasimadda Khartoum.

Ciidanka Suudaan ayaa 21-kii May shaaciyay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Khartuum, ayna caasimadda ka saareen dhammaan xoogagga RSF.

Colaaddan ayaa dishay in ka badan 20,000 oo qof, waxayna barakicisay ku dhowaad 15 milyan oo kale, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo maamullada maxalliga ah, halka daraasad ay sameeyeen jaamacado Maraykan ah ay tirada dhimashada ku qiyaastay ilaa 130,000.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey
Soomaaliya oo ku dhawaaqday in kaarka aqoonsiga qaranka lagu codsan doono baasaboorka Soomaaliga ah
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo qalinka ku duugay dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari
Kenya: Steve Munyakho oo laga soo daayay xabsiga Sacuudiga, kuna soo laabtay dalkiisii
Kenya: Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata
Mahad Salaad: Sababta Soomaaliya ay ugu baahan tahay qorshaha hoggaamiyaha cusub ee sirdoonka
Booliiska Kenya oo kala eryay dibadbaxayaal dhigayay Sannad Guurada Saba Saba
Ramaphosa oo ballanqaaday inuu qaadayo tallaabo kadib eedeeyn musuqmaasuq oo loo jeediyay Wasiir