Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyow Ibrow, ayaa maanta si rasmi ah xilka loogu dhaariyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa.
Dhaarinta Wasiirka waxaa bixiyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullahi Xasan.
Munaasabadda dhaarinta, oo ahayd mid xushmad leh, waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Cabdulahi Cumar Abshirow.
Magacaabista Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa timid Isniintii, Oktoobar 27, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, uu u magacaabay hoggaaminta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in magacaabistan la sameeyay iyada oo la tixgelinayo mas'uuliyadaha culus iyo shaqooyinka socda ee wasaaraddu ay hayso.
Khibradda wasiirka cusub
Prof. Saalim Caliyow Ibrow waxa uu xilka cusub ku keenayaa khibrad ballaaran oo dowladnimo. Waa oday-siyaasi oo soo qabtay xilal sarsare, isaga oo xubin ka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2000.
Intii u dhaxaysay horraantii 2000-meeyadii ilaa 2015, Prof. Saalim wuxuu soo qabtay xilal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen iyo Wasiir wasaarado kala duwan oo muhiim ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Magacaabistiisa hadda waxay calaamad u tahay ku soo laabashada shaqada dowladda ee xil muhiim ah oo diiradda saaraya horumarinta shaqaalaha, shaqo abuurka, iyo arrimaha bulshada.
Isla markii magacaabista la sameeyay, Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yusuf Maxamed, ayaa soo diray farriin mahadnaq iyo dardaaran ah.
“Waxaan u mahadcelinayaa madaxda Qaranka oo igu aaminey fursad aan ugu adeego Qarankeyga iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Yuusuf. Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray: “Xilku waa meerto, waana sharaf weyn ah inaan qayb ka noqday dadaallada lagu horumarinayo dalka.”
Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf ayaa sidoo kale u hambalyeeyay beddelkiisa:
“Sidoo kale, waxaan u hambalyaynayaa Md. Prof. Saalim Caliyow Ibarow, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, anigoo u rajeynaya guul, horumar, iyo in Allah u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.” Ayuu bartiisa Facebook-ga ku qoray.

















