Golaha Qaranka ee dalka Jaad ayaa ansixiyay wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka, kaasoo muddo xileedka madaxweynaha ka dhigaya todobo sano halkii ay markii hore ka ahayd shan sano.
Wax-ka-beddelka ayaa sidoo kale meesha ka saaraya xaddidaadda tirada inta jeer ee uu madaxweyne isu soo sharxi karo xilka.
Madaxweyne Mahamat Idriss Deby wuxuu awoodda la wareegay sannadkii 2021 kadib markii aabbihiis, hoggaamiyihii muddada dheer xukumayey dalkaasi ee Idriss Deby, la dilay isagoo booqanaya askar kula dagaallamaysay kooxo hubeysan waqooyiga dalka.
Mahamat Deby wuxuu markii dambe ku guuleystay xilka madaxweynaha doorasho dhacday bishii Maayo 2024, taasoo timid ka dib saddex sano oo xukun militari ah.
Doorashooyinka baarlamaanka ayaa la qabtay bishii Diseembar, iyadoo kuraasta badankood uu ku guuleystay xisbiga talada hayya.
Dastuurka cusub ayaa Isniintii laga ansixiyay Golaha Qaranka, wuxuuna hadda sugayaa go'aanka kama dambaysta ah ee Aqalka Sare oo la filayo 13-ka Oktoobar.
Guddoomiyaha Golaha Qaranka, Ali Kolotou Tchaimi, ayaa warbaahinta u sheegay in wax-ka-beddelka lagu ansixiyay 171 cod oo oggol ah, hal qof oo ka aamusay, halka aysan cidina diidin.
Haddii Aqalka Sare uu meelmariyo sharcigan 13-ka Oktoobar, waxaa la filayaa in Madaxweyne Deby uu saxiixo si uu u dhaqan galo.

























