Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo mas'uuliyiin sare oo ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku dhowaaqay heshiis siyaasadeed oo taariikhi ah, kaas oo lagu dhisayo qaab dhismeed cusub oo loogu talagalay doorashooyinka 2026 ee soo socda.
Heshiiskan, oo yimid kadib wada-xaajoodyo bilooyin socday oo Isniintii lagu shaaciyay Muqdisho, ayaa soo bandhigaya nidaam doorasho oo isku-dhaf ah, kaas oo isku daraya codbixinta tooska ah iyo habab dadban oo lagu dooranayo madaxda fulinta.
Inkastoo heshiiskani uu dib u dhigayo rajadii laga qabay doorasho madaxweyne oo si buuxda toos u dhacda sanadka 2026, taasoo soo afjaraysa in ka badan 50 sano oo la sugayay, haddana wuxuu noqonayaa markii ugu horreysay ee Soomaalidu si toos ah u dooran doonto wakiillo ka socda heerar kala duwan oo dowladeed.
“Heshiiska aan gaarnay waa mid loogu daneynayo midnimada, xasilloonida iyo wadajir bulsho ee dalka, waxaana mar walba diyaar u nahay in aan dhageysanno aragtida dadka naga ra’yiga duwan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca mucaaradka, waxaa matalayay shaqsiyaad ay ka mid yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku xigeenka Madasha, Maxamed Mursal Sheekh; Ra'iisul Wasaarihii hore, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke; Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Afhayeenkii Madasha, Daahir Maxamuud Geele.
Sida ku cad hannaankan cusub, muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay si toos ah "qof iyo cod" ugu codeyn doonaan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, Golayaasha Sharci-dejinta ee Dowlad-goboleedyada, iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Hay'adahan sharci-dejinta ayaa markooda dooran doona madaxda fulinta: Golayaasha Dowlad-goboleedyada waxay dooran doonaan madaxweynayaasha maamul-goboleedyada, halka Baarlamaanka Federaalku uu dooran doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Madaxweynuhu wuxuu sii ahaanayaa inuu leeyahay awoodda uu ku magacaabo Ra'iisul Wasaaraha, iyadoo ay waajib tahay inuu ansixiyo Golaha Shacabku.
Heshiiska ayaa sidoo kale dejinaya shuruud siyaasadeed oo cusub, isagoo urur kasta oo siyaasadeed oo hela ugu yaraan 10% kuraasta Baarlamaanka Federaalka siinaya heerka xisbi qaran.
Marka laga soo tago isbeddellada doorashada, dhinacyadu waxay ballan-qaadeen inay dardar-gelinayaan dhammeystirka Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya, xoojinta iskaashiga amniga qaranka, iyo kordhinta dadaallada ka dhanka ah rurka argagixisada Al Shabaab.
Dowladda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka waxay ugu baaqeen dhammaan daneeyayaasha siyaasadda, oo ay ku jirto bulshada rayidka ah, inay qaataan is-afgaradkan oo ay ka wada shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa hannaan dimuqraadi ah oo loo dhan yahay.

























