SIYAASADDA
3 daqiiqo akhris
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Waxaa Muqdisho lagu xiray TikTok-leeyaal lagu eedeeyay gef ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya.
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Waxaa Muqdisho lagu xiray TikTok-leeyaal lagu eedeeyay gef ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya. / Others
16 Sebteembar 2025

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xiray dhowr qof oo ka mid ah hal-abuurayaasha baraha bulshada, kuwaas oo ku lug leh muuqaallo is-daba-joog ah oo ay mas'uuliyiintu sheegeen in lagu aflagaaddeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha qaranka.

Booliska ayaa sheegay in muuqaalladu ay tusinayaan dadkaas oo qaadaya hees caan ah oo qaabkeeda la beddelay, si loogu maadeysto Madaxweynaha.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Gashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa sheegay in xariggu uu daba socdo muuqaallo lagu baahiyay barta TikTok oo "si bareer ah loogu gefayo" madaxa qaranka, taasoo ka hor imanaysa dastuurka iyo sharciyada dalka. Afarta eedeysane ee lagu eedeeyay inay ku jeesjeeseen madaxweynaha ayaa lagu kala magacaabay Cumar Ciise Salaad, Mahad Cumar Yirid, Aamiin Maxamed Xasan, iyo Cabdisalaan Ceynaashe Ibraahim.

Bayaan kasoo baxay booliska ayaa lagu yiri, "Muuqaallo lagu baahiyay TikTok ayaa muujinaya kooxda oo si bareer ah u aflagaadeynaya madaxa qaranka, falkaas oo loo arko inuu dhaawacayo sharafta iyo karaamada hoggaanka qaranka, uuna yahay ku xadgudub dastuurka iyo sharciyada dalka."

"Ku kaca falal anshax-xumo ah"

Shir jaraa'id oo uu si gooni ah Muqdisho ugu qabtay, Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa ka digay in qof kasta oo lagu helo inuu sumcad-dilay ama aflagaaddeeyay hoggaamiyeyaasha qaranka ama soo saaray waxyaabo ka hor imanaya diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, uu wajihi doono maxkamad.

“Qof kasta oo isticmaala baraha bulshada waxaa lagula talinayaa inuu iska ilaaliyo waxyaabaha aan ixtiraamka u ahayn diinteena Islaamka iyo dhaqankeena Soomaaliyeed. Laga bilaabo maanta, qof kasta oo lagu qabto isagoo falalkan oo kale samaynaya wuxuu wajihi doonaa cawaaqib sharci ah,” ayuu Gashaanle Cabdifitaax u sheegay suxufiyiinta.

Kiis kale oo la xiriira, booliska waxay sheegeen inay xireen Malyuun Cawad Xaydar, oo lagu eedeeyay inay aflagaaddaysay hoggaamiyeyaasha qaranka ayna "ku kacday falal anshax-xumo ah."

Muuqaallo Halis ah

Dhanka kale, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay sidoo kale xireen afar wiil oo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay soo saareen muuqaallo halis ah oo TikTok ah, kuwaasoo carqaladeeyay isku socodka gaadiidka, khatarna geliyay dadka waddada isticmaala.

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabay Cabdirisaaq Maxamed Faarax, Najiib Cabdullaahi Mire, Feysal Cismaan Maxamed, iyo Cabdiraxmaan Cabdimaalik Maxamuud Daahir.

Booliska ayaa sheegay in hal-abuurayaashu ay si bareer ah isu hor tuurayeen gaadiidka soconaya iyagoo duubayay muuqaallo is-tus-tus ah oo "keeni kara shilal halis ah iyo khasaare naf iyo maal leh."

Dhammaan eedeysanayaasha lagu magacaabay saddexda kiis waxay ku jiraan gacanta booliska iyagoo sugaya in loo gudbiyo maxkamad, sida uu sheegay boolisku.

Xariggan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dowladdu xoojisay tallaabooyinka ka dhanka ah waxyaabaha waxyeellada leh ee online-ka. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa si isdaba joog ah uga digay in ku-xadgudubyada baraha bulshada ee dhaawacaya anshaxa guud iyo sharciyada qaranka ay muteysan doonaan tallaabooyin sharci oo adag.

XIGASHO:TRT SOMALI