Dalka Malaawi ayaa Talaadadii u dareeray doorasho guud, iyadoo madaxweynaha xilka haya iyo kii isaga ka horreeyay ay u tartamayaan mar labaad hoggaaminta dalkan ku yaal koonfurta Afrika ee wajahaya xaalad dhaqaale oo cakiran.
Safka dhaadheer ayaa saacado ka hor lagu arkay goobo badan oo codbixinta ah oo ku yaal dalkaasi oo u badan baadiye, kahor inta aan la furin 6-dii subaxnimo, iyadoo la soo sheegayo dib u dhacyo qaar.
Waxaa u tartamaya xilka madaxweynaha 17 musharrax – balse tartanka dhabta ah waxaa loo arkaa inuu u dhexeeyo madaxweynaha xilka ka degaya Lazarus Chakwera iyo madaxweynihii ka horreeyay ee Peter Mutharika.
Chakwera, oo 70 jir ah, iyo borofisarka sharciga ee Mutharika, oo 85 jir ah, ayaa ololahooda ku saleeyay sidii ay u horumarin lahaayeen dhaqaalaha ku tiirsan beeraha, kaasoo la daalaa dhacaya sicir-barar kor u dhaafay 27 boqolkiiba.
Doorashadan ayaa sidoo kale loo codaynayaa kuraasta baarlamaanka iyo deegaannada hoose. Goobaha codbixinta ayaa la xirayaa 4-ta galabnimo, waxaana isla markiiba bilaabanaysa tirinta codadka. Maadaama guuleystuhu u baahan yahay inuu helo in ka badan 50 boqolkiiba codadka, waxaa aad u dhow inay dhacdo doorasho wareeg labaad ah 60 maalmood gudahood.
Maadaama qiyaastii 60 boqolkiiba 7.2 milyan ee codbixiyeyaal ee diiwaangashan ay da'doodu ka yar tahay 35 sano, dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa abaabulayay sidii ay uga gudbi lahaayeen niyad-jabka codbixiyeyaasha da'da yar looguna soo saari lahaa goobaha codbixinta.
Qiimaha maciishadda ayaa kor u kacay 75 boqolkiiba 12-kii bilood ee la soo dhaafay, sida ay sheegayaan warbixino soo xiganaya hay'ad aan dowli ahayn. Laba xilli oo abaar ah iyo duufaan ba'an oo dhacday 2023-kii ayaa sii adkeeyay nolosha dalka oo qiyaastii 70 boqolkiiba dadkiisu ay ku nool yihiin saboolnimo, sida uu sheegay Bangiga Adduunka.
Chakwera, oo ka tirsan Xisbiga Congress-ka Malaawi (MCP) ee dalka u horseeday madax-bannaanida uu ka qaatay Britain 1964-tii, ayaa codsaday in la siiyo fursad kale si uu u "dhammeystiro wixii aan bilownay", isagoo soo bandhigay dhowr mashruuc oo kaabayaasha dhaqaalaha ah. "Waxaa jiray cabashooyin ku saabsan qiimaha nolosha, kheyraad yari, iyo cunto yari," ayuu ka sheegay isu soo bax Sabtidii ka dhacay caasimadda Lilongwe. "Dhammaantood waan maqlay, ereyadiinana qalbiga ayaan geliyay.
Arrimaha waan hagaajin doonnaa," ayuu yiri, isagoo eedda dusha uga tuuray dad ka tirsan maamulkiisa oo uu ku sheegay maamul-xumo. Maalmo ka hor, wuxuu ku dhawaaqay hoos u dhac weyn oo lagu sameeyay qiimaha sare ee bacriminta, taasoo ah cabashada ugu weyn ee ka jirta dalka oo beeraley u badan.
"Waxaan rabaa inaan badbaadiyo dalkan," ayuu Mutharika ka sheegay isu soo bax ay isugu soo baxeen taageerayaasha xisbigiisa Dimuqraadiga Horumarka (DPP) ee magaalada labaad ee Blantyre, isagoo ballan-qaaday "soo celinta hoggaan la tijaabiyay" iyo dib-u-habeyn dhaqaale.

























