CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweynihii hore ee DRC oo dil lagu xukumay, kuna eedaysan khiyaano qaran iyo dambiyo dagaal
Joseph Kabila, oo xukumayey Congo intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2019, ayaa la xukumay isagoo dalka ka maqan.
Madaxweynihii hore ee DRC oo dil lagu xukumay, kuna eedaysan khiyaano qaran iyo dambiyo dagaal
Kabila wuxuu dalka xukumayay intii u dhaxaysay 2001 iyo 2019, isagoo tan iyo 2023-kii inta badan ku noolaa dalka Koonfur Afrika. / Reuters
9 saacadood ka hor

Maxkamadda Sare ee Millitariga ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa Talaadadii dil ku xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaas, Joseph Kabila, isagoo dalka ka maqan.

Kabila ayaa lagu helay dembiyo badan oo ay ka mid yihiin ka qaybqaadashada dhaqdhaqaaq kacdoon, khiyaano qaran, jirdil iyo dambiyo dagaal, sida lagu sheegay xukunka oo ay maxkamaddu ka soo saartay caasimadda Kinshasa.

Dacwaddiisa ayaa la furay bishii Luulyo, kadib markii bishii Maayo ay aqalka Senate-ku ka qaadeen xasaanaddii baarlamaaniga ahayd.

Kabila ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dembiyo arxan-darro ah oo ay geysteen fallaagada M23 ee gobollada bariga Congo. Maxkamaddu waxay sheegtay in Kabila uu "kulammo ku saabsan socodsiinta colaadda uu ku qabtay" uuna "kormeeray" xarumo tababar oo ay leeyihiin fallaagada M23 magaalooyinka Goma iyo Bukavu.

Xaaladda bariga Congo

Kabila wuxuu dalka xukumayay intii u dhaxaysay 2001 iyo 2019, isagoo tan iyo 2023-dii inta badan ku noolaa dalka Koonfur Afrika. Balse horraantii sannadkan, wuxuu ka soo muuqday bariga Congo isagoo sheegay inuu doonayo inuu dalkiisa ku laabto si uu "gacan uga geysto xal u helidda" dhibaatada socota.

Bariga Congo waxaa ka jiray mid ka mid ah colaadaha ugu muddada dheer Afrika. Tan iyo bishii Janaayo, xaaladda amnigu si weyn ayay uga sii dartay, iyadoo ay dib u soo cusboonaadeen dagaallo u dhexeeya ciidamada dawladda iyo fallaagada M23, kuwaas oo qabsaday dhowr goobood oo istaraatiiji ah oo ay ku jiraan magaalooyinka Goma iyo Bukavu.

In kasta oo bishii Luulyo caasimadda Qatar ee Doxa lagu saxiixay heshiis xabbad-joojin ah oo loogu magac daray "Baaqa Mabaadi'da" oo dhexmaray Congo iyo isbahaysi fallaago ah oo ay ku jirto M23, haddana labada dhinac waxay ku kala qaybsameen horumarka geeddi-socodka nabadda iyo dagaallo cusub oo ka qarxay bariga Congo.

XIGASHO:AA