Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guul taariikhi ah, kadib markii dekadaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa ee Bariga Afrika sannadkii 2024.
Aqoonsigan ayaa lagu sheegay warbixinta halbeegga caalamiga ah ee CPPI (Container Port Performance Index), taas oo ay si wadajir ah usoo saareen Bangiga Adduunka iyo Hay'adda Xog-uruurinta Suuqa Caalamiga ah ee S&P.
Warbixintan oo qiimeysay 407 dekadood oo adduunka ah, ayaa shaaca ka qaadday in Dekadda Muqdisho ay noqotay midda ugu horreysa Bariga Afrika (kaalinta 163-aad ee adduunka), halka Dekadda Berbera ay gashay kaalinta labaad ee Bariga Afrika (kaalinta 243-aad ee adduunka).
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka hadlay guushan, ayaa bartiisa X ku yiri: "Waxaa farxad noo ah inaan idinla wadaagno in Dekadaha Muqdisho & Berbera loo aqoonsaday kuwa ugu sarreeya Bariga Afrika... Guushan waxay muujinaysaa dadaalka Dowladda Federaalka, Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda, maamulka dekedaha, shirkadaha maamula iyo iskaashiga ganacsatada gaarka loo leeyahay ay geliyeen sare u qaadidda adeegga dekadaha."
Guushan ayaa ka dhalatay siyaasadda Dowladda Federaalka oo garowsan in dekeduhu yihiin laf-dhabar horumarineed. Dowladda ayaa maalgelisay casriyeynta Dekadda Muqdisho iyadoo soo iibisay wiishash cusub isla markaana ballaarisay xarumaha terminal-ka.
Tallaabooyinkan, oo ay weheliso hagaajinta maamulka iyo iskaashiga ganacsatada, ayaa sabab u noqday in dekadaha Soomaaliyeed ay bixiyaan adeegyo la isku hallayn karo oo la tartami kara kuwa caalamiga ah.
Horumarkan ayaa sidoo kale Dekadda Muqdisho ka dhigay mid ka mid ah shanta dekadood ee ugu waxqabadka fiican guud ahaan qaaradda Afrika, iyadoo la tartamaysa dekedaha waaweyn sida Dekedda Port Saciid (Masar), Dekedda Tangar (Marooko), Dekedda Dakar (Sinigaal), iyo Dekedda Toamasina (Madagasgar).
Ugu dambayn, Wasiir Nuur wuxuu adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay sii wadista casriyeynta dekedaha dalka, kordhinta hufnaanta, iyo in laga dhigo marinno lagu kalsoonaan karo oo ganacsiga caalamiga ah uu si hufan ugu kala goosho.