CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Yahya Barzaq, weriyaha madaxa-bannaan ee TRT World, oo lagu dilay duqeyn ay Israa'iil ku qaaday Qaza
Barzaq oo soo gudbinayey saameynta dagaalka uu ku yeeshay rayidka ayaa lagu dilay duqeyn ay fulisay Israa’iil, iyadoo ugu yaraan 58 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarro cusub.
Yahya Barzaq, weriyaha madaxa-bannaan ee TRT World, oo lagu dilay duqeyn ay Israa'iil ku qaaday Qaza
Yahya Barzaq, weriyaha madaxa-bannaan ee TRT World, oo lagu dilay duqeyn ay Israa'iil ku qaaday Qaza / X/QudsNen
10 saacadood ka hor

Weriyaha madaxa-bannaan ee TRT World, Yahya Barzaq, ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Deir al-Balah, bartamaha Qaza.

Barzaq ayaa ku howlanaa soo gudbinta saameynta dagaalku ku yeeshay dadka rayidka ah markii Israa’iil ay duqeyn la beegsatay biibito uu joogey xilli uu soo dirayey muuqaallo uu soo duubay, sida ay warbixinnadu sheegayaan.

Wuxuu ka mid ahaa shan qof oo ku dhintay weerarka, sida ay sheegeen warbaahinta Falastiin.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in ugu yaraan 58 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan haweeney uur leh iyo ilmo, lagu dilay Talaadadii duqeymo cusub oo Israa’iil ka geysatay guud ahaan Qaza.

Warbaahinta Falastiin ayaa sidoo kale sheegtay in duqeynta Deir al-Balah lagu bartilmaameedsaday goob lagu barto farsamada gacanta ee agabka laga sameeyo alwaaxa.

Barzaq iyo dad kale ayaa lagu dilay agagaarka waddada bey’ada ee magaaladaas.

Qoraalladiisii ugu dambeeyay ee Instagram, Barzaq wuxuu sheegay in uu ku qasbanaaday in uu ka qaxo Bartamaha Qaza una guuro koonfurta sababo la xiriira duqeymaha Israa’iil iyo hanjabaadaha barakicinta khasabka ah.

"Jirkaygu wuxuu u barakacay koonfurta, laakiin qalbigaygu weli wuxuu ku jiraa Bartamaha Qaza," ayuu qoray.

Turkiga oo cambaareeyay weerarka

Burhanettin Duran, Madaxa Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Turkiga, ayaa ku tilmaamay Barzaq "cod geesi ah oo raadinayay xaqiiqda isagoo ku hoos nool gumeysi iyo cadaadis."

Wuxuu yiri: "Sheekadiisa, oo lagu soo bandhigay filimka dokumenteriga ah ee TRT World ee Gaza in My Photographs, waxay muujisay sida ay ugu go’an tahay in uu adduunka tuso waxa ka dhacaya Qaza. Weerarada lagu bartilmaameedsanayo suxufiyiinta waligood ma aamusin doonaan xaqiiqda. Waxaan u ducaynaynaa Yahya, waxaana tacsi u diraynaa qoyskiisa, asxaabtiisa, iyo kuwa uu jeclaa."

Zahid Sobacı, Agaasimaha Guud ee TRT, ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarka. Wuxuu sheegay in dilka Barzaq uu yahay xusuusin kale oo ku saabsan khataraha ay wajahaan suxufiyiinta Qaza.

"Waxaan si weyn uga murugaysanahay geerida saaxiibkeen Yahya Barzaq, oo ku shaqeynayay xaalado aad u adag. Israa’iil ma qarin karto dambiyada ka dhanka ah aadanaha iyadoo bartilmaameedsaneysa suxufiyiinta, xisaabtuna way iman doontaa mar uun," ayuu yiri.

Barzaq wuxuu si weyn looga yaqaanay Qaza isagoo ahaa sawir qaade caruurta dhawaan dhashay.

Ka hor dagaalka, boggiisa Instagram wuxuu ka buuxay sawirro si taxadar leh loo diyaariyay oo carruurta looga qaaday studio-giisa gaarka ah ee bartamaha Qaza.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil, boggiisa wuxuu isu bedelay sawirro mugdi ah oo calaamado madow leh kuwaasoo astaan u ah dhimashada iyo burburka.

Wuxuu sidoo kale la wadaagay muuqaallo uu ku barooranayo carruurta lagu dilay dagaalka xasuuqa ah.

Barzaq wuxuu ka mid yahay ugu yaraan 250 suxufi iyo shaqaale warbaahineed oo lagu dilay Qaza tan iyo 7-dii Oktoobar 2023, taasoo dagaalkan ka dhigaysa mid ka mid ah kuwa ugu dhimashada badan ee saxaafadda taariikhda casriga ah, sida ay sheegeen kormeerayaasha Falastiin iyo kuwa caalamiga ah.

Warbaahinta Falastiin waxay sheegtay in geeridiisu ay muujinayso bartilmaameedsiga joogtada ah ee lagu hayo suxufiyiinta Qaza iyadoo Israa’iil ay xoojisay duqeymaha ka dhanka ah goobaha rayidka iyo kaabayaasha.

XIGASHO:TRT World