CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo ku guuleysatay inay ka sii deyso xabsiyada Congo in ka badan 50 muwaadiniinteeda ah
Wararka la helayo ayaa sheegaya in sii deyntan ay suurtagalisay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania, halkaas oo Danjire Ilyas Cali Xasan uu wadahadallo la yeeshay Jean Pierra Massala, safiirka Congo ee Tanzania.
Soomaaliya oo ku guuleysatay inay ka sii deyso xabsiyada Congo in ka badan 50 muwaadiniinteeda ah
Soomaaliya oo ku guuleysatay inay ka sii deyso xabsiyada Congo in ka badan 50 muwaadiniinteeda ah / Others
30 Sebteembar 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay xabsiyada ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ka sii deyso in ka badan 50 muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kadib dadaallo xooggan oo maalmihii la soo dhaafay lagu bixiyey sidii xorriyadooda loo soo celin lahaa.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in sii deyntan ay suurtagalisay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania, halkaas oo Danjire Ilyas Cali Xasan uu wadahadallo la yeeshay Jean Pierra Massala, safiirka Congo ee Tanzania. Wadahadalladaas ayaa door muhiim ah ka qaatay in maxaabiista Soomaaliyeed la sii daayo.

Qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada, Danjire Ilyas ayaa uga mahadceliyey dowladda Congo iyo hoggaankeeda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda xiriirka diblomaasiyadeed ee xalinta arrimaha noocan ah.

Waxa uu yiri: “Waxaan u mahadcelineynaa dowladdeena saaxiibka ah ee Congo iyo hoggaankeeda, sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ee Congo,” isagoo tilmaamay wada-shaqeyntii horseedday guushan.

Inkasta oo sii deyntani ay tahay horumar weyn, haddana waxaa xabsiyo ku yaalla dalal badan oo Afrikaan ah ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoreynayo, iyadoo qorshayaal socda lagu eegayo xaaladda dadka weli xiran

XIGASHO:Others