CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka
Wuxuu sheegay in la xaqiijiyay in Soomaaliya ay leedahay keyd shidaal oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn adduunka, qodistiisuna ay bilaaban doonto bilaha soo socda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud / User Upload
29 Sebteembar 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo jeediyay khudbad dhammaystiran oo uu kaga hadlay guulaha dowladdu ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda, wuxuuna kashifay qorshayaal waaweyn oo hiigsi fog leh oo ay dowladdu damacsan tahay.

Munaasabadda furitaanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo Mudane Cabdi Xaashi, Ra’iisul Wasaaraha, iyo mas’uuliyiin kale oo heer qaran ah, ayaa Madaxweynuhu wuxuu ugu horreyn bogaadiyay Baarlamaanka 11-aad oo uu ku ammaanay doorkii ay ka qaateen meelmarinta shuruucdii horseeday deyn-cafinta iyo sida geesinimada leh ee ay u guda galeen qabyo-tirka Dastuurka.

Guulaha amniga iyo dhaqaalaha

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaaladda amnigu ay maanta aad uga wanaagsan tahay sidii ay ahayd saddex sano kahor, cadowga Al-Shabaabna laga xoreeyay deegaanno badan. Wuxuu yiri, "Maanta Khawaarijta iyo madaxdooda waxaa lagu beegsadaa meelo fog-fog." Wuxuu ammaanay Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanka, isagoo xusay in miisaaniyadda ugu badan ee dowladda lagu bixiyo sugidda amniga.

Dhinaca dhaqaalaha, Madaxweynuhu wuxuu shaaciyay in Dowladda Federaalku ay hadda awood u leedahay inay mushaar siiso bil kasta 100,000 (Boqol kun) oo qof oo isugu jira ciidan, shaqaale rayid ah iyo macallimiin, iyadoo lacagtaas laga bixinayo dakhliga gudaha iyo canshuurta muwaadiniinta.

Hiigsiga Mustaqbalka: Shidaalka iyo Saldhigga Hawada Sare

Isagoo ka hadlayay mustaqbalka dhaqaalaha, Madaxweynuhu wuxuu kashifay laba qorshe oo waaweyn.

Shidaalka: Wuxuu sheegay in la xaqiijiyay in Soomaaliya ay leedahay keyd shidaal oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn adduunka, qodistiisuna ay bilaaban doonto bilaha soo socda.

Kaabayaasha: Waxaa la horumarinayaa jidadka, garoomada, iyo dekedaha, iyadoo sidoo kale la dhisayo Saldhig laga gano dayax-gacmeedyada (Space Port), kaas oo noqonaya kii ugu horreeyay ee Qaaradda Afrika.

Xasilloonida siyaasadeed iyo dhismaha dowlad-goboleedka waqooyi Bari

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ahmiyadda la siiyay xasilloonida siyaasadeed. Wuxuu si gaar ah ugu hambalyeeyay shacabka Waqooyi Bari guusha ay ka gaareen dhismaha Dowlad Goboleed ku yimid rabitaankooda iyo isku-tanaasulkooda, isagoo maamulka cusub ugu baaqay inay ahmiyad siiyaan amniga iyo dib-u-heshiisiinta. Wuxuu adkeeyay in dowladdiisu ay u furan tahay wada-hadal lagu xallinayo khilaafaadka, iyadoo la raacayo mabda'a ah "Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah."

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku boorriyay Baarlamaanka inay sii wadaan shaqada adag ee hortaalla, gaar ahaan dhammaystirka Dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka, wuxuuna si rasmi ah u furay Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka.