Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Talaadadii casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Adan Cabdullahi Aw Xasan, oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo ka dhacday hoyga Duqa Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa maamullada kala duwan ee dalka.
Waxaa la isku raacay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wadatashiga iyo isku xirnaanta hay'adaha dowliga ah si loo gaaro horumar loo dhan yahay.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, Agaasimayaal, siyaasiyiin, iyo odayaal dhaqan, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay tallaabadan lagu dhisayo midnimada.
Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay hooyada Soomaaliweyn, ayna mar walba u furan tahay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu kulankan ku tilmaamay mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xoojinta midnimada qaranka.
Dhankiisa, Guddoomiye Adan Cabdullahi Aw Xasan ayaa si weyn ugu mahadceliyay Duqa Muqdisho soo dhoweynta diirran, wuxuuna ku ammaanay caasimadda doorkeeda hormuudnimo ee nabadda, horumarka iyo midnimada dalka.





















