Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa soo warisay in ku dhowaad 6,000 oo qof ay naafoobeen deegaankaas tan iyo markii uu bilowday dagaalkii Israa’iil ee Oktoobar 2023.
Tiradan ayaa muujinaysa dhibaato bani’aadanimo oo baaxad leh oo haysata kumanaan dhaawac ah iyo qoysaskooda.
Warbixin ay wasaaraddu soo saartay Talaadadii ayey ku sheegtay in carruurtu ay ka yihiin 25% tirada guud ee dadka naafoobay, halka dumarku ay yihiin 12.7%.
Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeysay in yaraanta agabka caafimaadka iyo qalabka kaalmada ay uga sii dartay dhibaatada dadka dhaawaca ah iyo kuwa laxaadka ka go’ay.
"Tirooyinkan waxay ka tarjumayaan dhibaatada bini'aadannimo ee qotada dheer oo ay la kulmayaan kumanaan qof oo dhaawac ah iyo qoysaskooda," ayay tiri Wasaaraddu.
Wasaaradda ayaa ku baaqday in degdeg loo bilaabo adeegyada taageerada nafsaaniga ah, iyo tan bulsho, gaar ahaan carruurta hadda laxaad-la’aanta joogtada ah ku wajahay da’ yar.
Tirada dhimashada ee Qaza tan iyo Oktoobar 2023 ayaa kor u dhaaftay 69,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ah haween iyo carruur.
Waxaa sidoo kale la dhaawacay in ka badan 170,600 oo kale, halka ilaa 9,500 oo qof la la’yahay, kuwaas oo intooda badan la aaminsan yahay inay ku hoos jiraan guryo burburay.
Dagaalkan xasuuqa ah ee Israa’iil ayaa la hakiyay heshiis ka dib xabbad-joojin ah oo dhaqan galay 10-kii Oktoobar, kaas oo ku yimid qorshe 20-qodob ah oo uu soo saaray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.





















