Turkiya ayaa soo dhoweeyay saxiixa is-af-garadka nabadeed oo u dhexeeya dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) iyo kooxdii mucaaradka ahayd ee Dhaqdhaqaaqa Maarso 23 (M23) oo lagu saxiixay Dooxa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in heshiisku uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday helidda xal waara oo laga gaaro khilaafka ka socda bariga DRC.
'Waxaanu bogaadineynaa dadaallada dhammaan dhinacyada ka qaybqaadanaya heshiiskan, gaar ahaan Qatar, oo door fududeyn ah ka ciyaartay xasilinta Gobolka Harooyinka Waaweyn,' ayay wasaaraddu sheegtay.
Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in Ankara ay sii wadayso ka go'naanshaha taageerida dadaallada kor loogu qaadayo nabadda, ammaanka, iyo xasilloonida guud ahaan Afrika.
Heshiiska nabadda
Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo kooxdii mucaaradka ahayd ee M23 ayaa Sabtidii heshiis nabadeed ku saxiixday caasimadda Qatar ee Dooxa, kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Qatar iyo Maraykanka.
Fallaagada M23, oo Kinshasa iyo Qaramada Midoobay si weyn ugu eedeeyeen in ay taageero ka helaan deriskooda Rwanda - eedayntaas oo Kigali diidday - ayaa sannadkan ballaarisay awooddooda xukun ee goobo istiraatiji ah oo ku yaal bariga DRC.
Dadaallo badan oo goboleed iyo kuwa caalami ah oo dhex-dhexaadin ah ayaa la sameeyey, kuwii ugu dambeeyayna waxaa hoggaaminayay Maraykanka, Qatar, iyo Midowga Afrika.
Bishii Oktoobar 14-keedii, Dooxa ayaa martigelisay saxiixa habraaca kormeerka iyo xaqiijinta joojinta dagaalka ee u dhexeeya dowladda DRC iyo M23.





















