Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Algeria, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdelmajiid Tebboune, ayaa si rasmi ah u adkeeyay wadajirka iyo garab istaagga ay u hayaan shacabka Falastiin, iyaga oo isku raacay muhiimadda ay leedahay in la dhiso dawlad madaxbannaan oo Falastiin ah, taas oo xuduudaheedu yihiin kuwii 1967-kii, ayna caasimaddeedu tahay Al-Quds Al-Sharif.
Kulankan taariikhiga ah, oo calaamad u ahaa midowga cusub ee Afrika iyo Carabta, ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Algiers.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labada dal ay ku heshiiyeen in si wadajir ah loo garab istaago Falastiin. Sidoo kale, hoggaamiyeyaashu waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha gobolka sida colaadaha ka jira Suudaan, iyo Liibiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in labada dal ay fahamsan yihiin in madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Liibiya iyo Suudaan la ixtiraamo.
"Soomaaliya iyo Algeria way ka shaqeyn doonaan sidii dalalkaas ay u heli lahaayeen xuquuqdaas aasaasiga ah ee dal kasta oo adduunka ah uu leeyahay," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhankiisa, Madaxweyne Tebboune wuxuu muujiyay diidmadiisa ku aaddan faragelinta dibadda ee saameynta xun ku yeelatay Suudaan, isagoo ku tilmaamay faragelintaasi mid meel ka dhac ku ah mabaadi'da iskaashiga iyo wadajirka ee Afrika iyo Carabta.
Madaxweynayaashu ayaa goobjoog ka ahaayeen saxiixa heshiisyo iskaashi oo ballaaran oo dhowr qaybood oo istaraatiijiyad ah. Heshiisyadan, oo ay saxiixeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Waxbarashada, Xanaanada Xoolaha, iyo Batroolka ee labada dal, ayaa calaamad u ah bilowga xiriir cusub.
Heshiisyada waxaa ka mid ah; Dhoofinta Xoolaha iyo Kalluumaysiga: Iskaashi dhinaca xoolaha, beeraha, iyo kalluumeysiga, Sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, waxbarashada iyo Cilmi-baarista, fududeynta Safarada: Dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadda ee Soomaaliya waxay fiisooyinka ku heli doonaan marka ay yimaadaan Algeria.
Algeria ayaa xaqiijisay inay qaabilayso 110 arday oo Soomaali ah oo loo tababarayo sanad waxbarashada 2026–2027.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Madaxweyne Tebboune saaxiibtinimada iyo garab istaagga Algeria ee Soomaaliya, isagoo booqashada ku tilmaamay "mid caddaynaysa xiriirka waara ee labada dal iyo aragtida wadaagga ah ee nabadda, horumarka, iyo isku-filnaanshaha Afrika."
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale u mahadceliyay Madaxweyne Tebboune bixinta 500 oo deeq waxbarasho jaamacadeed oo la siiyay ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan takhasusyada muhiimka ah sida Beeraha, Kalluumaysiga, iyo Injineeriyada Batroolka, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta qaranka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, labada Hoggaamiye waxay isku raaceen in la sameeyo Guddi Wasiirro Wadajir ah, kaas oo loo xilsaaray inuu kormeero horumarka heshiisyada cusub ee la saxiixay iyo in la helo fursadaha cusub ee iskaashi.





















