Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Jimcihii ka qaybgalay shirweynaha caalamiga ah ee cimilada ee COP30 oo ka dhacay magaalada Belém ee dalka Brazil.
Isagoo khudbad u jeedinayay bulshada caalamka, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay dalalka adduunka inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo mideysan si wax looga qabto saameynta ba’an ee isbeddelka cimilada.
Wuxuu xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka si xun ugu nugul dhibaatada cimilada, isagoo tusaale u soo qaatay abaaraha isdaba-joogga ah ee halakeeyay dalka. Mudane Saalax ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay la tacaalayso cawaaqibta isbeddelka cimilada inkastoo aysan wax saamayn ah ku lahayn wasakhowga iyo qiiqa kaarboonka ee caalamka.
Khudbaddiisa ayuu ku muujiyay dadaalka iyo istaraatiijiyadda qaranka ee Soomaaliya, isagoo soo hadal qaaday Nationally Determined Contribution (NDC) iyo Qorshaha Qaranka ee La-qabsiga Cimilada, kuwaas oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), taasoo muujinaysa go’aan adag oo dowladeed oo dhan ah.
Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in istaraatiijiyadda Soomaaliya ay ku dhisan tahay afar tiir oo waaweyn:
La-qabsiga: In la dhiso adkaysi si loo maareeyo saameynta cimilada ee horey u jirta.
Maalgelinta Cimilada: In la helo taageero maaliyadeed oo caalami ah si loo hirgeliyo qorshayaasha.
Khasaaraha iyo Waxyeellada: In la dhiso hannaan lagu maareeyo khasaaraha aan la soo celin karin ee horey u dhacay.
Tamarta Nadiifta ah: In loo gudbo ilaha tamarta waara ee deegaanka u wanaagsan.
Gabagabadii, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku booriyay shirweynaha in la xoojiyo midnimada iyo iskaashiga caalamiga ah, isagoo sheegay in la tacaalidda khasaaraha iyo burburka uu sababay isbeddelka cimiladu ay tahay mas’uuliyad wadajir ah oo aan dal keli ahi xamili karin, gaar ahaan dalalka nugul sida Soomaaliya.





















