Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa Tallaadadii, magaalada Jeddah kula saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dr. Towfiiq bin Fowzaan Alrabiici.
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ku kala saxiixday heshiiska kootada Xajka 1447
Heshiiskan oo ah mid sanadle ah ayaa lagu go'aamiyay qoondada Xajka Soomaaliya ee sanadka 1447 Hijriya (2026 Miilaadi), taasoo la xaqiijiyay inay gaarayso 11,500 Xaaji.
Wasiirka iyo wafdiga la socday ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo ay kaga qayb-galayeen kulan-weynaha "Maxdarka Xajka" iyo Bandhigga Adeegyada Xajka, oo ay ka soo qayb galaan dhammaan waddamada Muslimiinta caalamka.
Intii uu socday kulan-weynaha, Soomaaliya ayaa sanadkan lagu daray liiska waddamada ku guuleystay qiimeynta adeegga wanaagsan ee ay u fidiyeen xujeydooda.
Waxaa la xaqiijiyay in Soomaaliya ay gashay KAALINTA 4-aad ee qiimeynta dowladaha, waxaana la siiyay maamuus gaar ah iyo goob ay ku soo bandhigto adeegyada kala duwan ee ay u diyaarinayso xujeydeeda.





















