CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalinjabiyay tababar ciidan oo heer sare ah oo lagu qabtay Uganda
Munaasabadda qalinjabinta waxaa ka qaybgalay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay hoggaaminaysay Safiir Fardowsa Maxamed Qanyare, Danjiraha Soomaaliya ee Uganda.
Saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalinjabiyay tababar ciidan oo heer sare ah oo lagu qabtay Uganda
Saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalinjabiyay tababar ciidan oo heer sare ah oo lagu qabtay Uganda
10 Nofeembar 2025

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka qalinjabiyay tababar heer sare ah oo socday muddo hal sano ah laguna qabtay dalka Uganda, waxaana munaasabadda qalinjabinta rasmiga ah hoggaaminayay Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Museveni.

Munaasabadda qalinjabinta waxaa ka qaybgalay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay hoggaaminaysay Safiir Fardowsa Maxamed Qanyare, Danjiraha Soomaaliya ee Uganda.

Sidoo kale, waxaa goobta joogay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo ay ku jiraan Gaashaanle Sare Axmed Ciise, Taliyaha Tababarka CXDS, iyo Gaashaanle Sare Cali Aadan Shuriye, Taliyaha Habmaamuuska CXDS.

Saraakiisha Soomaaliyeed waxay ka mid ahaayeen ciidan caalami ah oo ka kooban 498 sarkaal oo ka kala socday dalal dhowr ah oo Afrikaan ah, sida Uganda, Tanzania, Mali, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR), iyo Soomaaliya.

Munaasabaddan waxay muujisay doorka muhiimka ah ee Dowladda Uganda ay ka ciyaarayso dib-u-dhisidda iyo tababaridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo Uganda ay tahay saaxiib istaraatiiji ah oo bixiya tababaro, xirfad-dhisid, iyo aqoon-isweydaarsi si loo xoojiyo awoodda amni ee Soomaaliya.

Raadi Warar Kale
Ciidanka Suudaan oo ka hortagay weerar culus oo RSF ku qaaday Galbeedka Kordofan
DRC Kongo iyo M23 oo heshiis nabadeed oo 'taariikhi ah' ku saxiixday dalka Qatar
Turkiga oo soo dhoweeyay heshiiska nabadeed ee Dowladda DRC iyo fallaagada M23
Ciidamada Israa’iil oo wiil dhallinyaro Falastiini ah ku toogtay weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiiska kootada Xajka 1447
Kenya: In ka badan 200 oo Muwaadiniinteenna ah ayaa ku biiray Ciidamada Ruushka ee Dagaalka Ukraine
Midowga Afrika iyo QM oo adkeeyay iskaashigooda istiraatiijiga ah ee nabadda, amniga, iyo horumarka
Mareykanka oo ansixiyay iib milatari oo gaaraya $330 milyan oo Taiwan loogu talagalay
Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga kadib shilkii diyaaradeed oo khasaaraha geystay
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada oo Kulmay
Wasaaradda Caafimaadka Qaza: In ka Badan 6,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku naafoobay dagaalka
Soomaaliya iyo Algeria oo garab istaagay Falastiin iyo Suudaan, kalana saxiixday iskaashi ballaaran
Madaxweynaha DRC oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya
In ka badan 20 dal oo cambaareeyay xadgudubyada RSF ee Suudaan, kuna baaqay joojinta rabshadaha
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Cimilada COP30
Ku dhawaad 2,000 rayid ah oo ku barakacay gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Jabuuti: Madaxweyne Geelle oo si rasmi ah loogu caleemo saaray musharraxa xisbigiisa ee doorashada
3 sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgallo milatari oo laga fuliyey Soomaaliya
Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka muhiimka ah ee cimilada (COP30) ee Brazil
Wasiirka Caafimaadka XFS oo amray baaritaan degdeg ah oo ku saabsan dhacdadii Isbitaal Banaadir