Wafdi ballaaran oo ka socda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Belem ee dalka Brazil, halkaasoo uu si rasmi ah uga furmayo Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP30) 10-ka Noofambar 2025.
Wafdigan, oo ay ku jiraan madaxda dowladda, xubno ka socda bulshada rayidka ah, dhalinyaro, haween, iyo khubaro ku takhasusay cimilada, ayaa matalaya codka Soomaaliya ee ku aaddan la-tacaalidda dhibaatooyinka ay sababeen abaaraha iyo nabaad-guurka.
Sida ay sheegtay wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan muhiimka ah wuxuu muujinayaa sida ay dowladda uga go'an tahay ka qaybgalka doodaha caalamiga ah iyo raadinta xalal waara.
Shirweynaha COP30, oo la filayo inuu socdo illaa 21-ka Noofambar, wuxuu ku billaabanayaa kulan heer sare ah oo labo maalmood soconaya.
Kulankan waxaa isugu imanaya madaxda dawladaha, wasiirrada, iyo hoggaamiyeyaasha ururada caalamiga ah si ay uga wadahadlaan arrimaha degdegga ah ee isbeddelka cimilada iyo ballanqaadyada caalamiga ah.





















