Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa magaalada Istanbul kulan muhiim ah kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Ali Yerlikaya.
Kulanka oo lagu tilmaamay mid "wax ku ool ah," ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka istaraatiijiga ah iyo saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Labada wasiir waxay si gaar ah uga wada hadleen tallaabooyinka lagu sii horumarinayo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, gaadiidka badda iyo amniga.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa carrabka ku adkeeyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u danaynayso in xiriirka labada dal uu noqdo mid miro dhal ah, isagoo xusay in iskaashigan uu muhiim u yahay xoojinta horumarka, amniga iyo danaha wadaagga ah ee labada shacab.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Ali Yerlikaya, oo kulanka ka hadlay ayaa yiri, “Waxaan magaalada Istanbul kula kulmay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur. Waxaan ka wada hadalnay tallaabooyinka lagu xoojinayo saaxiibtinimada iyo iskaashiga labada dal. Waxaan uga mahadcelinayaa booqashadiisa qiimaha leh.”
Sidoo kale, Wasiir Cabdulqaadir ayaa bogaadiyay kulanka wuxuuna yiri, “Waxaan yeeshay kulan wax ku ool ah oo aan la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Walaaltinimada iyo Saaxiibtinimada leh ee Turkiga, Mudane Ali Yerlikaya... Waxaan uga mahadcelinayaa Wasiirka martigelinta diirran ee uu noo muujiyey.”
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sii ambaqaadayo xiriirka iskaashi ee labada dal, kaas oo taabanaya dhinacyo badan oo muhiim u ah labada qaran.