Bandhigga tiknoolajiyadda ee ugu weyn dalka Turkiga, TEKNOFEST, oo ah mid ka mid ah munaasabadaha ugu waaweyn adduunka ee duulista, hawada sare iyo tiknoolajiyadda, ayaa Arbacadii albaabada u furay dadweynaha caasimadda Istanbul.
Munaasabaddan oo socon doonta muddo shan maalmood ah kuna qabsoomaysa garoonka diyaaradaha ee Atatürk, waxaa soo agaasimay Hay'adda Kooxda Tiknoolajiyadda Turkiga (T3 Foundation) iyo Wasaaradda Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda ee Turkiga.
TEKNOFEST waxaa la qabanayay tan iyo sanadkii 2018, iyadoo ay taageerayaan tobanaan hay'adood oo dawli ah, shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay, iyo jaamacado. Bandhiggan ayaa sanad walba lagu soo kordhiyaa tartamo cusub, wuxuuna sanadkan ka kooban yahay 58 tartan oo waaweyn iyo 137 qaybood oo hoose.
Inta uu socdo bandhiggu ilaa maalinta Axadda, booqdayaashu waxay daawan karaan tartamo tiknoolajiyadeed oo ay weheliyaan dhacdooyin kale oo cajiib ah.
Waxaa ka mid ah bandhigyo cirka ah oo soo jiidasho leh, carwooyin iyo aqoon-is-weydaarsiyo kala duwan, goobo jilitaan (simulation) ah oo dhab u eg, qolka xiddigiska (planetarium), iyo duulimaadyo gaar ah oo ardayda loogu talagalay.
Sida caadada ah, bandhiggan waxaa lagu qabtaa magaalooyin kala duwan oo Turkiga ah sannadaha tirada siman, halka sannadaha tirada kinsiga ahna lagu qabto magaalada Istanbul.
Waxaa sidoo kale hore loogu qabtay laba waddan oo dibadda ah: Asarbayjaan iyo Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus. Bishii la soo dhaafay, waxaa Istanbul lagu qabtay bandhigga noociisa badda ee loo yaqaan "Dalka Buluugga ah" (Blue Homeland).
Sanadkii hore, TEKNOFEST oo lagu qabtay magaalada Adana ee koonfurta Turkiga, wuxuu soo jiitay ku dhawaad 1.1 milyan oo booqde, iyadoo tirada guud ee dadkii soo booqday tan iyo markii la aasaasay ay gaarayso ku dhawaad 11 milyan oo qof.