TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Xisbiga AK oo si adag u dhaleeceeyay Netanyahu kadib hadallo ka dhan ah Madaxweyne Erdogan
Qoraal uu Talaadadii soo dhigay bartiisa NSosyal, ayuu Celik ku magacaabay Netanyahu "hoggaamiyaha shabakadda xasuuqa".
Xisbiga AK oo si adag u dhaleeceeyay Netanyahu kadib hadallo ka dhan ah Madaxweyne Erdogan
Guddoomiye ku xigeenka ahna Afhayeenka Xisbiga AK, Cumar Celik. / AA
17 Sebteembar 2025

Guddoomiye ku xigeenka ahna Afhayeenka Xisbiga AK, Cumar Celik, ayaa si kulul u diiday hadalladii Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ee ka dhanka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, isagoo ku tilmaamay kuwo "qiimo-darro ah oo aan sal iyo raad toona lahayn."

Afhayeenka ayaa ku nuux-nuuxsaday in jawaabta saxda ah ay tahay inay ka timaado "isbahaysiga aadanaha" si looga hortago hanjabaadaha noocan ah.

Qoraal uu Talaadadii soo dhigay bartiisa NSosyal, ayuu Celik ku magacaabay Netanyahu "hoggaamiyaha shabakadda xasuuqa", wuxuuna ku eedeeyay inuu ka haysto "dhalanteed" magaalada Qudus, oo uu ku sifeeyay mid ay wadaagaan guud ahaan aadanaha.

Wuxuu sheegay in hadallada Netanyahu ay muujinayaan colaad ka dhan ah mabaadi'da guud ee aadanaha, ayna u dhigmaan "fal cusub oo xasuuq ah oo ka dhan ah dadka iyo qiyamka, kaasoo uu wado fikirka xagjirka ah ee ka soo horjeeda aadanaha."

Hadalka Celik ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu si adag u dhaleeceeyay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, weerarkii Israa'iil ee toddobaadkii hore ku qaadday kooxdii wada-hadalka ee Xamaas ee ku sugneyd Qatar, isagoo yiri, "Fikir ahaan, Netanyahu wuxuu la mid yahay qof qaraabo la ah Hitler."

"Sida uusan Hitler u qiyaasi karin jabka isaga sugayay, Netanyahu wuxuu wajihi doonaa aayahaas oo kale oo kama dambaysta ah," ayuu raaciyay isagoo ka soo laabtay Doha, halkaas oo uu kaga qaybgalay shir-madaxeedkii degdegga ahaa ee Carabta iyo Islaamka kadib duqeyntii cirka ee Israa'iil ku qaadday dalkaas Khaliijka.

XIGASHO:TRT World and Agencies